8748 Views

Itoobiya indhaha ha kala qaado hana ilaaliso hana ixtiraamto haybadda Qaranka Soomaaliyeed

Itoobiya indhaha ha kala qaado hana ilaaliso hana ixtiraamto haybadda Qaranka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14 December 2015: Waxaa jira waxyaabo qaacida ahaan aan la kala baryin, sida nabad gelyada, sharafta, ama guud ahaanba nolosha, waayo qof kastaba isagaa intaas u baahan, si uu u helo  ama uu u gaarana waa inuu dadka kale ku xaq dhowraa intaas inay xaq u leeyihiin, taasi macnaheeda waxaa weeye dadka Soomaaliyeed maanta iyagaa toodii haysataa oo burbursan laakiin taas macnaheeda ma aha inay Itoobiya ama Djibouti, ama Kenya siday doonaan ka yeeli karaan, seddexdaas dal yeeysan taas ka khaldamin, xataa haddii ay isa soo raacaan waaba hubaal oo way isu kaaya soo raaceenee!…

shati-Gaduud

Bal Haregysaa waxaa laga xusayaa maalinta Qoomiyadaha Itoobiya, Yaa?! Haddee wayba dhacdayba, yaa?! Nin Adduunyo  joogow maxaa aragti kuu laaban?!….anigu Soomaali baan ahay hal meel jinsi aan Soomaali ahayn waxba kalama wadaago (Eebbaa Mahaddas Lahee) laakiin ka waran maanta intaan tago Hargeysa kuma qaban xuska maalinta calankayga oo qaynuunka Somaliland ma oggolo! Dadka iyo  Somaliland ma aha ee waxaan ka hadlayo waa qowlaysatada yare e danaha gaarka ah raba inay ku gaaraan duminta ummadnimmada iyo qoomiyadnimmada dadka Soomaaliyeed, bal iskaba dhaaf inaan xuska calanka Soomaaliyeed ku qabto Hargeysa ee fanaanintii reer Hargeysaa baa loo xirxiray side baad uga heesi  kartaan qaran Soomaaliyeed ku magacaaban! Bal caqliga ha shaqeeyo; Soomaaliya inay kala tagatay shaki kuma  jiro, waxaase ayaan daro ah in siyaabahaas  oo kale adigoo shakhsi ah damac gaar ah oo kugu jira aad duminta ummaddaada  ku gaar is tiraahdo.

Xasan SHiikh Max’ud  Xin inuu garto mooyee laga waa inuu xil garto!…waxaan xasuusnahay waayadii isaga loo doortay xilka uu huwanyahay laakiin uusan ku shaqayn ee madax-weynenimmada inuu Somaliland ugu hambalyeyniyay doorashooyinkii dowladaha hoose oo maalmahaas ka dhacay waliba isagoo leh waxay mudanyihiin inaan ka barano, marka haddii uu taas gartay miyeysan mudnayn markay talaabooyinka meel ka dhaca ah sidan oo kale ay sameeyaan inuu diido, miyeysan mudnayn inuu u digo dowladda Itoobiya oo uu u sheego inay raali gelin ka bixiso gefkaas?! mase wuxuu rumaysanyahay in Itoobiya ay xukunto sida dad badan meelaha ka sheegaan! Aad baan uga xummahay, Gebre riyadiisa ha isaga noolaado laakiin waa been inay Itoobiya Soomaaliya xukunto!….taas waa xaqiiqda!

Waxaan shaki ku jirin Itoobiya xisaabta inay ka khaldantahay oo tirooyin aysan haysan ay isku darsatay ka dibna ay u soo baxday tiro macaash ah, laakiin ha ku noqoto xisaabta, mar iyo labo iyo seddex jeer dib ha u fiiriso, waxaa hubaal ah danta labada dal inay ku jirto inay xad gudubka innaga dhaafto, maanta iyadaa guri quraarad ka samaysan ku jirta, waxaan uga baahnayn hiil iyo inay isku daydo inay karti la timaado oo ina tusto wax ka duwan wixii horay guumaystuhu inoo dhex dhigay, laakiin waan ka xumahay, wali waxay ku shaqaynaysaa oraaho iyo talooyin dalal aan iyadana dan u hayn annagana aan dan inoo hayn, wali waxay ka talo qaadanaysaa wiilashii uu awoowaha u ahaa Christopher da Gama  (1541-1543), wali waxay ka talo qaadanaysaa kuwii uu awoowaha u ahaa Richard Burton (ninkii Xaaji Cabdallaha isku magacaabay) isla markaasna ay Somaliland sawirkiisa ku astaysatay lacagteeda (5Shillings & 1000Shillings).

Itoobiya waa inay garataa inaan deris nahay, waa inay garataa wali baahida aan iyada u qabno mid la eg ama mid ka weyn inay iyada inoo qabto, Itoobiya waa inay garataa dalka inaysan lahayn nimanka malaha ay dadka ka bar garanayso ee hayiishaalaha u ah! Itoobiya waa inay garataa sir-doonkeeda inta uu innaga ogyahay inay tahay inta aan annagana iyada ka ognahay, Itoobiya waainay ka fekertaa inaysan labada shacab dib cadaawad hor leh ugu abuurin….amay labada shacab taas dan ugu jirtaa?!….

Abdi-Aziiz

Xasan SHiikh Max’ud, Somaliland ma wuxuu kula xididay si uu danihiisa ugu qunsado inuu ka aamuso wax kasta oo gef ku ah mas’uuliyadda uu u dhaartay?! Waxaanse u malayniyaa inuusan isu haysan inuu madax-weyne u yahay ummadda, balse, waxba wax baa ka daranee ka waran midka ninkaas hoos fadhiya ee aan u dooranay inuu afkeena ku hadlo, inuu wakiil innaga noqdo,  Max’ed Cusmaan Jawaari, Aleylahay inuusan u qalmin! Waa qayb ayaan darrada ka mid ah, bal gartay Xasan SHiikh Max’ud, laakiin Jawaari ama kuwa kale ee kula jira golaha  maxaa afka qabsaday ma cabsanayaan?!…oo Itoobiya miyey ka baqayaan?! Waa xummaan ka badatay, cabsi kale ma jirtee waxay rabaan inay iyada wax ku ahaadaan waaba haday ku ahaadaanee!…..Waxaa maanta qurux iyo sharafba u ahaan lahayd inay arrintaas diidaan cadeeyaan mowqifka ay ka taaganyihiin in wax loo dhimo madax-bannaanida qaranka Soomaaliyeed ama lagu soo xad gudbo. Waa run in guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Cabdi_Rashiid Cali Xaashi (DHuubane) ay mar askar Itoobiyaan ah iska xirteen, soo ma fiicnaan lahayn inay hadlaan bal wax jira ha caddaadaanee!….mise waan ognahay miyaa waxa jira?! Wali shacabka Soomaaliyeed dowlad bay u haystaan inay jirto intooda badan.

Itoobiya,  is-maamulka Soomaaliyeed ee  ka jira aad baan ugu faraxsannahay, runtii horumarka iyo xuquuqda muwaadhanimo  ee shacabkaasi helay aad baan raali uga nahay, waliba waxaan ku ammaanaynaa madax-weynaha is-maamulkaas sida degdegta ah ee uu ugu tallaabsaday horumarka muuqda, sidaasoo kalana dowladda federal-ka  Itoobiya  ayaan u haynaa ammaan taas la mid ah, hasa yeeshee yeysan arrintu u ekaan kilika 5aad iyo Soomaaliya baan isku bedelanaynaa ama Soomaaliyaan ka dhigaynaa gobol Itoobiya ka mid ah, taasi u malayn maayo in wax laga macaashayo, taasi u malayn maayo inay dan ugu jirto labada dal! Ma haddaan waxaan u noqonaa jabhadayn, ma haddaan waxaan u noqonaa… armaa laga quruxsanyahay?!….

Muuse Biixi cabdi, gudoomiyaha xizbiga Kulmiye ee uu ka tirsanyahay Axmed Siilaanyo, waxaad moodaa inuusan garan qaranimo waxay tahay, waxaana heerkaas gaarsiiyay isaga iyo kuwo la ayniga garowshiinyaha beenta ah ee la siiyay ee ah in dhibaatadii askartii dalka af-gambisay ay iyaga keliya ku dhacday, illa iyo hadana uu sii buunbuuninayo Xasan SHiikh Max’ud iyo nin kasta oo mas’uul noqdaba,  waxaa ina hor yaala haddaan nahay dadka Soomaaliyeed arrin geesinimo u baahan oo ah inaan wax ka bedelno sida aan hadda u noolnahay, isla markaasna aysiyaasiyiintu fahmaan inaan u baahannahay inaan si dhaqso ah u helno wada hadal, waana inta uu qofku bini aadan ku yahay,  haddiiba aan awood u yeelannay inaan Itoobiya la hadalno oo xiriir la yeelano maxaa diidaya inaan annaga dhexdeenna wada hadalno?!…wax kale ma  aha ee waxaa innagu dhex shakhsiyaad dano gaar ah leh oo been inoo kala sheegay….mise?!…

 Waxaa arrin in la soo dhoweeyo u baahan ah go’aankii uu gaaray maamulka Boosaaso oo ahayd inay dadka Orommada ah ee dalka waxay ku joogaan aan la garanayn isla markaasna aan la aqoon cidda dejisay  ay iska saaraan….Boosaaso waxaa iigu dambaysay 1995kii oo aan joogay labo toddobaad, waxaan markaas aad ugu yaabay walaac bandanna I geliyay sandaqado yar-yar, iyo Kontaynero (Containers)  oo ay xaafadaha ka furteen niman Itoobiyaan ah oo lagu sheegay inay yihiin Shineemooyin ( Cinema Theaters) oo habeenkaas oo dhan lagu dhigay aflaam qaawanaan ah, midda aan ka sii yaabay waxay ahayd dadka shacabka ah waana ogaayeen iskamana qaban!…hasa yeeshee waxaan ku guulaysanay intii yarayd aan joogay inaan dhammaan albaabada isugu dhufannay amigoo kaashanay shallin yaro runtii aad isu xilqaantay iyo ciidammadii ammaanka ee magaallada, waana hubaa in wax yeelo badan oo dhaqanka ah ay ka imaanayso joogitaankooda!…..

Dhaqanka hadda ka muuqda Hargeysa, keliya wuxuu tilmaamayaa in mugdi weyn la geliyo qaranimmada Soomaaliya mana ahaan doono mid ay ummaddu iska dhega tirto, sidaasoo kalana wuxuu fasiraad fiican ka bixinayaa wixii xilka lahaa ee ay Cabd-Rashiid Xiddig iyo dowladda xasan SHiikh kula dhex wareegayeen jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool oo ay lahaayeen waxaan kala tashanaynaa cidda sharci ahaan la siin karo jinsiyadda Soomaaliyeed. Waa farriin adag oo ku socota shacabka Soomaaliyeed, waa farrin u digaysa nimanka mas’uuliyadda sheeganaya ee aan markii hore aaminnay jinsiyaadda Soomaaliyeed ilaa Soomaaliya ay iskeed isu maamusho cidda la siinayo looma baahna ina laga hadlo…..waana in la adkeeyaa sharciyada ay dalka ku joogayaan dadka shisheeyaha ah.

.

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Diseembar 14 2015

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment