3894 Views

Labo qof oo mid kamid ah Shaqaalaha UNHCR ahaa, oo Muqdisho lagu dilay.

Labo qof oo mid kamid ah Shaqaalaha UNHCR ahaa, oo Muqdisho lagu dilay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14 December 2015: Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Hodon, ayaa u xaqiijiyay in Koox hubaysan ay ku dileen degmadaasi Labo Qof oo mid ahaa shaqaalaha Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR.

Labada Qof ayaa kala ahaayeen Gabar iyo Nin gaariga ku wadayee, kaas oo an la hubin in uu darawal u ahaa UNHCR, waxaana dilay Koox watay Gaari Nooca Raaxadda ah, kuwaasi oo rasaas ku furay Gaari ay la socdeen Shaqaalaha UNHCR xmar ay marayeen Xaafadda Siigaale.

Gabadha la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Aamino Maxa’ed Nuur. UNHCR kama aysan hadlin Dilka Shaqaalaheeda, mana jirto Cid sheegatay Mas’uuliyadda dilka loo geeystay shaqaalahaas.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment