6867 Views

Rasaas culus oo xalay laga maqlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

____________________________________________________________________________

skka

Muqdisho, 14 December 2015: Waxaa la sheegay in xalay rasaas culus ayaa caawa laga maqlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo hugunka rasaasta si weyn looga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah magaalada.

Warar kala duwan ayaa markii hore ka soo baxayay rasaasta culus ee laga maqlayay gudaha garoonka, waxaana la sheegay in Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haya garoonka diyaaradaha iyo Xerada Xalane ay rasaas ku fureen doon ku soo dhowaatay.

Ilo ku dhow dhow Garoonka diyaaradaha ayaa xaqiijiyay in Doon aan heybteeda la garaneyn ay rasaas ku soo riday Garoonka diyaaradaha, iyadoo ciidamada ilaalada ka haya garoonka ay ku jawaabeen rasaas culus.

Rasaasta ayaa socotay qadar labaatan daqiiqado ah ku dhow, iyadoo aanay kala joogsi aheyn, waxaana dadka ku dhaqan degmooyinka Waabari iyo Wadajir ay soo sheegeen in rasaasta u muuqatay mid dhinaca Badda loo ridayay.

Hugunka rasaasta qaar ayay dadka u qaateen in iska hor imaad uu ka socday gudaha garoonka, waxaana hugunka rasaasta dhaceysay ay dadka soo xusuusisay xilligii magaalada dagaalada iyo duqeymaha ka dhici jireen.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa habeenkii shaqeyn, ma jiraan duulimaadyo rayid ah oo ka soo dega ama ka duula, marka laga reebo in xilliyada fiidkii ay mararka qaar ka soo degaan diyaarado Helicoptero ka yimaada gobolada dalka meelaha ciidamada AMISOM jooga.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ammaankeeda gacanta ku haya Ciidamada AMISOM, iyadoo saldhig weyn ku leeyihiin Xerada Xalane oo xeyndaabka garoonka ka tirsan.

Sidoo kale xerada Xalane oo ah goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo ayaa waxaa degan diblomaasiyiinta shisheeye, iyadoo safaarada Britain iyo Xafiiska UNSOM ay ku yaallaan ay weliba isu dhowyihiin.

Garoonka-Diyaaradaha-Muqdisho

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment