14121 Views

12 Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga oo xukun lagu riday

12 Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga oo xukun lagu riday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 13, 2018 —Laba iyo toban (12) askari oo soo  faarujiyay aagga Dhanaane ayaa loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amardiido ay ku samaayeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka  kowdii bishii sideedaad ee sanadkan.

Askartan ayaa ka soo  baxay aagga Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay ku qornaayeen, waxaana sagaal kamid ah ay  wada ahaayeen isku difaac halka Saddexda kale ay iyana ka soo baxeen gooba kale oo ka tirsan aagagga dagaalka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

23-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dalbadeen in la muddeeyo dacwad  qaadista eedda loo heysto 12-kan askari ee ah amar diidada iyo ka bixid aagga dagaal ee Dhanaane, waxaana maalin kadib codsiga Xeer Ilaalinta loo ballamay in la qaado Maxkamadeynta 12-kan Askari.

Qareenada u doodayay  eedeysanayaasha ayaa  ka hor sheegay garsoorka in la siiyo fursad kale oo ay dib ugu noqdaan goobihii ay ka soo baxeen maadaama markii hore iyaga ay ahaayeen kuwa  qeybta ka ahaa xureeynta goobaha ay ka soo baxeen.

Garsoorayaasha oo ka baaraan degayay nuxurka dacwadda,  doodda dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada, ka falciladda jawaabaha ay ka bixiyeen eedeysanayaasha fadhiga maxkamadda  ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in  dhammaantood si wada jir ah loogu xukumo min Shansano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyacda goob joogga u ahaa fadhiga Maxkamadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

3 4

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment