3576 Views

Ciidamo Itoobiyaan oo la wareegay garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb

Ciidamo Itoobiyaan oo la wareegay garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15 December 2015: Ciidamo Itoobiyaan ayaa maanta la wareegay ammaanka garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb, halkaasoo ay gacanta ku hayeen Maamulka Ahlusuna ee Gobollada Dhexe.

Warar naga soo gaaraya Gobollada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa fariisimo ka sameystay garoonkaas oo maalmihii u dambeeyay xirnaa, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Maamulka Ahlusuna iyo shirkadaha diyaaradaha oo canshuuro ku kordhiyay shirkadaha.

Ciidamada Itoobiya oo horay ugu sugnaa degmada Guriceel iyo qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud, hase ahaatee dadka deegaanka Dhuusa Mareeb ayaa saaka hadal haya ciidamada ku waabariistay garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka wafuud ka socota dowladda federaalka iyo Maamulka Galmudug oo ka qeyb galaya shir ka furmi doona Dhuusa Mareeb.

Shir lagu heshiisiinayo Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa dhowaan ka furmi doona magaalada Dhuusa Mareeb oo ah xarunta Maamulka Galmudug, inkastoo Ahlusuna gacanta ku heyso.

Wada hadalada u furmi doona maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa waxaa la sheegay inay door ku leedahay dowladda Itoobiya, kadib markii Mas’uuliyiinta labada dhinac ay safar ku tageen magaalada Addis Ababa.

Maamulka Ahlusuna ayaa horay u qaadacay Maamulka Galmudug ayadoo garab ka haysata Itoobiya kaas oo lagu dhisay Cadaado, waxaana labada dhinac u dhex maray isku dhacyo iyo xurguf siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee wada hadalada u furmi doona labada dhinac ayaa la filayaa in lagu soo afjaro khilaafyada siyaasadeed ee gobolka ka jira, isla markaana hal maamul ku midoobaan.

Waa la arki doonaa halka Itoobiya iyo Ahlu-Sunna ay wax geeyaan, in kastoo Gobollada Dhexe aysan fitna ka dhamaan-doonin.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment