3579 Views

Madaxweynaha: “Soomaaliya Nabad ayeey u Oomantahay”

Madaxweynaha: “Soomaaliya Nabad ayeey u Oomantahay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15 December 2015: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay dagaal beeleedka ka socda magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan iyo kan ka socda Marka oo uu ku tilmaamey mid dad shacab ah lagu waxyeeleynayo.

“Soomaaliya nabad ayay u ooman tahay, mana jirto sabab shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo. Waa in deg-deg dagaalka loo joojiyaa, qolyaha ku lug lehna ay ogaadaan in lala xisaabtamayo’’.

Madaxweynaha ayaa farey ciidammada dowladda iyo maamulka Koonfuur Galbeed Soomaaliya oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada inay degdeg colaaddaasi u joojiyaan, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu dhammeeyo.

“Dhowr jeer oo hore ayaan u sheegay inaan marnaba la aqbali karin in shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo. Waa in degdeg dagaalka loo joojiyaa, qolyaha ku lug lehna ay xisaabta ku darsadaan in lala xisaabtamayo. Cid walba oo dhiigga shacabka daadisa sharciga ayaa la hor keenayaa, mana jiro ruux sharciga ka sarreeya oo la iska eegan doono isagoo dagaal sokeeye hurinaya’’.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, isaga oo ku hadlaya magaca Xukuumadda ayuu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay kooxaha uu khilaafku u dhexeeyo inay si degdeg ah u joojiyaan xabada ayna wadahadal iyo walaalnimo ku xalliyaan khilaafkooda.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment