3807 Views

Shirki Wadatashiga oo Maanta Mar kale baaqday

Shirki Wadatashiga oo Maanta Mar kale baaqday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15 December 2015: Waa marki sadaxaad ee uu dib u dhac ku yimaado Shirki wadatashiga ee Qaranka, kaas oo la isku afgara la’ayahay habka ay dorashada u dhici karto 2016.

Madaxda Maamulada Maamulada qarkood sida Puntland iyo Jubbaland ayaa ku adkeysanaya aragtidooda ku aadan in doorashada 2016 ay noqoto mid deegaan, halka dhanka kale Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ay qabaan in doorashada ay noqoto 4.5 in lagu soo xulo Baarlamaanka soo socda

Tan iyo shalay, marki fadhigi uu fashilmay ka dib, waxaa soconaya  Kulamo Gaar-gaar ah oo ay yeelanayaan dhinacyada kala duwan ee ka qeybgalaysa Shirka Wadatashiga Qaran, iyadoo uu jira Is-xulafaysi xoogan oo ay samaynayaan Jubbaland & Puntland.

Kooxaha meesha isugu yimid ayaa la sheegayaa in ay danahooda siyaasadeed kaliya eeganayaan oo ay diidanyihii in hal aragti la isku raaco. Ma jirto cid ka fikirayso masiirka iyo mustaqbalka wadanka taas oo ay ka muuqato fikradi Xildhibaan Mohamed Cabdi Yusuf oo ahayd in Shirka Wadatashiga uu Xaaraan yahay.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment