3786 Views

Ma la yaabaa in la isku afgarto Shirka Wadatashiga?

Ma la yaabaa in la isku afgarto Shirka Wadatashiga?
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 16 December 2015: Shirki wada tashiga ee looga hadlayo hanaanka doorasho ee 2016 ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, ayadoo la soo bandhigi doono meel dhaxe ee heshiis lagu yahay.

Shalay iyo xalay ayaa waxaa jiray kulamo hoose iyo kuwo gaar gaar ahaa oo u socday Madaxda Soomaalida ee ku kala aragti duwanaa hanaanka doorasho ee dalka ka dhici karta 2016, kadib markii ay soo bandhigeen labo aragti oo kala ah in hab deegaan lagu soo doorto Baarlamaanka iyo in hab qabiil 4.5 lagu soo doorto.

Puntland iyo Jubbaland ayaa waxa ay doonayaan in la qaato nidaamka doorashada degmo haddii aan la qaadanin nah iyaga ay iskaga baxayaan shirka hadda ka soconaya magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxda Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa aragtidooda aheyd mid cad, isla markaana tusaalooyin u soo qaatay shirarkii Soomaaliya dowladaha loogu soo dhisay, isla markaana lagu saleeyay hab beeleedka 4.5.

Warar horu dhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in doorashada 2016 ay noqon doono hab beeleed, isla markaana Madaxda siyaasada Soomaaliya ay isku raaceen qodobkaas, hase ahaatee waxaa daba socota hab kale oo lagu dabaqi doono qaab beeleedka lagu soo xulayo Baarlamaanka, Taas oo ay wataan Sharif Xasan iyo xulafadiisa uu ka mid yahay Madaxweyne Xasan Shekh.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada oo ah halka is araga ugu badani uu ka dhacay ayaa xaqiijiyay in maanta mar kale shirkii uu qabsoomayo, warbaahintana ay goobjoog ka noqon doonto shirka oo lagu qabanayo Xiradi horeee saldhiga u ahayd Ciidamadi Cirka oo loo yaqiin Afasiyoni.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment