4740 Views

Maanka Muddulood waa mudacyo afkood !

Maanka Muddulood waa mudacyo afkood !
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 16, 2015 – Waxaa marna laga aamusikarin in koox xagjir ah,siyaasadana ku fashilmay dowlad diid ah in loo cuskado beelaha Mudduloodd ee jecel nabada iyo wada noolaanshaha umada Somali,waxaa isweeydiin mudan Cali Geedi iyo Salaad Cali Jeele in aay qalqalgeliyaan dowladnimada iyo nidaamka dalka uu ku socda balse aay raacaan kuwa qabiilka wax ku qeeybsaday maanata diidan in 4.5 wax lagu qeeybsado,Puntland waxaa ka jira gole baarlamaan oo qabiil ah, Gaasna waxuu kursiga ku yimid qaab qabiil sidee u dhihi karaa 4.5 waxba lagu qeeybsan maayo.

Degaan in wax lagu qeeybsado waa mida xaaran ah iyada oo la ogyahay in gobolada dalka oo dhan aayan ka jirin tirakoob la ogyahay,maanta cida og ma leh inta degmada Balcad ku nool iyo inta xaqa aay tahay in aay codeeyso,degmada Balcad waxaa xaqiiq ah in aay ka dad badan tahay dadka ku nooli degmada  Garowe.Dad baa cod laga qaadaa basle degaan aanan la deganeeyn waxba laguma helo.

Muddulood waa dad dowlad –jecel,waana ku dulmman yahay 4.5 balse meel kale oo looga dhaqaaqo 4.5 ma jirto,Cali Geedi iyo Salaad Cali Jeele ayagaa xildhibaano ku leh baarlamaanka dowlada Federaalka ayagaa xilal ka haya degmooyonka G.Bnaadir iyo G.Shabeelada Dhexe,waxaaase xaqiiq ah in beelo badani aayan xidhibaano ku laheeyn dowlada Fedelaaka degaanka aay u dhasheena lagu xukumo ayaga oo raali ah,waxwalbana ku cafiyay in nidaam iyo dowladnimada aay soo noqoto,sow lama dhihi karo Geedi iyo Jeele waxi reer Puntland bareen ayeey dhadhamiyeen oo weli maskaxdooda ka goí la macaankii uu baray ina yeey,maanta dowlada Federaalka awoodeeda ma dhama in degaan iyo tirada dadka leeysku xisaabiyo balse waxeey mareeysaa in caqliga saliimka uu noo sheegayo in xal aanan aheeyn 4.5 iyo degaan balse la baadi goobo xal aanan dagaal horseedin dowladnimadana  aay sii socoto ilaa laga gaarayo hal cod iyo qof.

Geedi iyo Jeele sow ma qumana in aay dadkooda u unkaan maamul si aay shirka wada tashiga ee masiirka Somali u fadhiistaan,waxeey gabeen howshoodii waxeeyna wadaan in nidaam dowladnimo in la waayo,sabbabta oo ah haddii degaan loo noqdo macnaheeda waxeey tahay curinta dagaal sokeeyo oo aanan degaamada Muddulood ka jirin xiligaan,wax gole degaan ah oo u bdhisan kama jiro dhulka Muddulood weli waxaa ka jira fowdo,shabaab iyo gudoomiye ku meelgaar ah oo aanan shacbka soo dooran ayaa dhulka jooga,sow is-dila maahan iyo is-boob,firinbiga Geedi iyo Jeele eey yeerinaayaan Muddulood ma laha balse waxaa laga keenay Puntland.

Puntland waxeey wax ku qeeybsatay qabiil sidee u diidaa in qabiil wax lagu qeeybsado iyada oo la ogyahay in weli aaneey jirin nidaam kale oo dhibta looga baxo,xildhibaanada Somaliland oo aan ognayhay in eeyan tagi karin degaankooda jecel midninada Somali rajona ka qabay in umadaani aay dib iskugu imaato xagee tagayaan ?? ujeedka  Gaas iyo Axmed Madowe waa in dadka deganni Koonfur-Galbeed iyo Galmudug ilaa Banaadir uu ka curto dagaal dib u dhigaya nabada iyo dowladimada hada jirta keeneeysana in gumeeysi cusubi na qabsado.

Waxaan leeyahay Muddulood loo qaban maayo kuwa raba in aan dib ugu noqono dagaal degaan balse waxaan ku sabreeynaa waxii dowlada federaalka iyo maamulada dalka ka jira aay isla qaataan .

Haddii dhagax lagugu soo tuuro ama lagugu dhufto ilama ah in caqligaaga ku siiyo in aad dhagaxaa la hadashaa ama aad weeydiisaa cida soo tuurtay balse waxaa caqliga kuu sheegaya in dhagaxa uu qof soo tuuray qofkaasna uu yahay ruuxa rabaay in uu ku dhaawaco ama ku dilo ,Geedi & Jeele Cabddulaahi Geedi Shadoor iwm xaqiiqdii waa dhagaxa la soo tuuray halka Gaas noqonayo kan dhagaxa soo tuuray rabayne in dowlada federaalka ee Prof.Xassan Sh.Max´ud lagu kiciyo inta wax magaradka ah halkaasna lagu burburiyo iftiinka dowladnimo ee xiligaan umada Somali u bilowday.Muddulood 99% waxuu rabaa dowlada hada jirtaa in la kobciyo nabada hada jirtana aay sii xoogeeysato Alo Sahar Umuuraha.

.

Dr. Ali A. Hirabe             Hirabe_a@hotmail.com

____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment