3636 Views

DHAGEYSO: ‘Khudbadihii’ ay Madaxda ka jeediyeen Shirka Wadatashiga

DHAGEYSO: ‘Khudbadihii’ ay Madaxda ka jeediyeen Shirka Wadatashiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 17 December 2015: Madaxweyne Xasan Sheekh, RW Cumar C/rashiid & Gudoomiye Jawaari ayaa Khudbado dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran. Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ka hadlay Shirka, ayaa sheegay in Natiijada Shirka uu yahay mid aad u wanaagsan oo qaab wadashi ku timid, islamarkaana Go’aanka Doorashada ay wada leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Nickolas Kay, Ergayga QM ee Soomaaliya ayaa kamid ahaa Wakiilada Caalamka ee Shirka ka qeyb-gashay, wuxuuna sheegay in Somalia ay taagan tahay Wado Isgoys ah, loona baahan yahay in si wadajir ah loogu dhaqaaqo dhabbo sax ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxa’ed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa isna sheegay in Dastuurka laga weecdo markii Go’aanno muhiim ah oo dalka waxtar u leh, sida Doorashada la qorsheynayo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa’uud, oo shirka xiray ayaa ugu danbeyntii Shirka ka jeediyay Khudbad dheer oo xasaasi ah, taasi oo uu ku sheegay in haddii aan hadda Somali qaadan Go’aan sax, ay keeni karto in Wadanka uu dagaal sukeeye dib uga qarxo.

Halkaan ka dhageeyso Qudbadhi Shirka

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment