4176 Views

Tarsan oo su’aal adag ka keenay doorashada 2016

Tarsan oo su’aal adag ka keenay doorashada 2016
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 17 December 2015: Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Max’ud Axmed Nur Tarsan ayaa su’aalo badan iska weydiiyay habkii lagu heshiiyay in ay u dhacdo doorashada sanadka 2016 isaga oo bartiisa Facebooka soo dhigay qoraalka hoos ku qoran’

Siyaasadii Soomaaliyeed oo isku qataaran sababtuna ay tahay madax midba dan gaar ah wato, mana jirto si danahooda gaarka ah loo kulminkaro. Mid kastaa wuxuu rabaa in ay guushu raacdo calaa xisaab midka kale.

Ma jiro mid dan kaleh danta qaranka iyo mida shacabka dhibaateysan, caruurta ku agoontowdey dagaaladii sokeeye.

Ma jiro mid dan ka leh dhalinyarada ay shaqo la’aantu heysato oo marka ay jaamacadaha ka soo baxaan tahriibka ku baabahaya.

Xaaladda dalku ku suganyahay waa xaalad laga naxo, lakiin cid ka naxeysa ma jirto.

Yaa macno u yeelikara ” Barlamaanka waxaa lagu soo xuli marka lagaaro 2016 Habka 4.5 iyo Hab degmo”

Yaa macno u yeelikara ” waxaa la sameyni laba barlamaan mid sare iyo midka hada jira dhaqaalana uma hayo”

Yaa macno u yeelikara ” shan bilood xildhibaanadii mushaar ma qaadan, hadana waxaan rabnaa in aan dhisno Aqal sare”

Yaa macno u yeelikara ” waxaan rabnaa Amni hadana ciidamada Amniga sugahaya shan bilood mishaar ma qaadan”

Yaa macno u yeelikara ” waxaan dagaal kula jirnaa Argagixiso Caalami ah ciidana ma dhisahayo, kuwa hadda joogana mushaar uma hayo”

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment