3435 Views

Madaxweyne Xasan ”Xilligaan Soomaaliya waxay gaartey bisayl siyaasadeed”.

Madaxweyne Xasan ”Xilligaan Soomaaliya waxay gaartey bisayl siyaasadeed”.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 17 December 2015: Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay si rasmi ah u soo xirey Madasha Wadatashiga Qaranka oo beyahaan ka socday magaalada Muqdisho. Madashan oo ay ku sugnaayeen madaxda maamullada Jubba, Galmudug, Puntland, Koonfuur Galbeed, gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, ayaa waxaa lagu lafa gurayey nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta sannadka 2016-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xiritaanka madasha ayaa sheegay in Soomaalida marba marka ka sii dambeysa ay muujinayaan biseyl siyaasadeed oo aayahooda ay ku go’aaminayaan.

“Muddadii madashan ay socotey waxaan yeelaney doodo aad muhiim u ah, oo ku saabsan nooca doorasho ee aan yeelan doonno sannadka soo socda. Waxaan shacabka u sheegayaa in madashan ay guul ku soo dhammaatey. Waxaan isla gaarney heshiis meel dhexe ah oo cid walba rabitaankeeda la dhegeystey. Ma jirto cid wax waliba oo ay rabtey wada heli karta, wadatashiga dhabta ahna waa kan ra’yiga la isku darsado, kadibna si wadajir ah loo qaato qaar ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee dhinacyada ay soo jeediyaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya ka jira uu yahay ku meel gaar, sidaa darteedna wax walba oo muhiim ah oo dastuurka aan ku xusnayn ay khasab noqoto in sidan oo kale ay madaxda isku xilqaamaan si ay xal u gaaraan.

Waxaa uu Madaxweynaha u mahad celiyay shacabkii Soomaaliyeed ee fikradahooda ka dhiibtay hannaanka doorasho ee ay jeclaan lahaayeen, isagoo tallaabadaasi ku tilmaamay inay tusaale wacan u tahay hadafka Soomaaliya ee ah in shacabku ugu dambeyn ay helaan nidaam doorasho oo qof iyo cod ah, taas oo an weli la isku raacin goorka ay noqoneeyso.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment