4095 Views

Diblumaasiyiin tababar loogu soo xidhay Qatar

Diblumaasiyiin tababar loogu soo xidhay Qatar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 18 December 2015: Diblumaasiyiin ka socday Wasaarada Arimaha dibeda ee Soomaaliya ayaa lasoo xidhay  tababar mudo labo todobaad ah uga socday magaalada Doha ee dalka Qadar, iyadoona tabarkan oo ay fuliyeen khubaro dhinaca dilumaasiyada ah, ay Qabatay Wasaarada   Arimaha dibeda dowlada Qadar.

Mukhtaar Cali Cali yuusuf oo ah Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Qatar, oo khudbad kasoo jeediyey munaasibada ayaa uga  mahad celiyey dowlada Qadar sida ay u garab taagantahay dowlada Soomaaliyeed.

Diblumaasiyiinta ka socday  wasaarada Arimaha dibeda dowlada Soomaaliya ee tababarku u soo dhamaaday oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa  ka warbixiyey waxyaabaha ay Kororsadeen mudadii ay ku sugnaayeen dalka Qadar, sidoo kalana waxay u mahad celiyeen mas’uuliyiinta safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar.

Ugu dambeeysti munaasibadan ayaa waxaa diblumaasiyiinta ka socday Wasaarada Arimaha dibeda Soomaaliya lagu gudoon siiyey shahaadooyin, Waxaana intaasi kadib warbaahinta Qaranka la hadlay Qunsulka Safaarada Soomaaliya oo

diblumaasiyiinta ku booriyey inay cilmiga iyo aqoonta ay kororsadeen wax ugu qabtaan dalkooda

IMG_00121

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment