3714 Views

RW oo maanta furey shir weynaha dhalinyarada Soomaaliyeed

RW oo maanta furey shir weynaha dhalinyarada Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 18 December 2015: Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furey shirweynaha dhalinyarada Soomaaliyeed kaas oo ay wasaaradda dhalinyarada ay soo qaban qaabisay, waxaana ka qeybgalay dhalinyaro ka  kala socda maamulada dalka ka jira iyo kuwo ka kale oo ka yimid dalka dibadiisa.

Shirka ayaa furitaankiisa waxaa ka qeybgalay Ra’iisulwasaaraha, wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ay kamid yihiin kuwo beesha caalamka ka socda.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Nuux oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa sheegay in u jeedada shirweynahan ay tahay sidii loo heli lahaa siyaasad lagu mideysan yahay oo dhalinyarada Soomaaliyeed ay leeyihiin taas oo ay garwadeyn ka tahay wasaaradda.

Ra’iisulwasaare Cumar C/rashiid oo si rasmi ah u furey shirweynaha dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegay in farxad weyn u tahay maanta maadaama loo fadhiyo aayaha dhalinyarada wadanka.

Shirkan ayaa maalinta beri ah waxaa sida uu qorshuhu yahay la soo gabagabeyn doona iyadoo qodobadii ka soo baxana ka fileyo in ay noqodaan kuwo wax badan ka qabta xaalad nololeedka dhalinyarada Soomaaliya.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment