3429 Views

Ciidamada AMISOM oo dad rayid ah ku dilay deegaanka Golweyn

Ciidamada AMISOM oo dad rayid ah ku dilay deegaanka Golweyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 19 December 2015: Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in shalay gelinkii dambe ay dad rayid ah ku dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/Hoose, iyadoo falkan uu ka dambeeyay markii qarax lala beegsaday.

Warar badan oo kala duwan, ayaa ka soo baxaya qaraxa lala eegtay kolonyo uu la socday Guddoomiyaha degmada Baraawe oo ay wehliyeen kolonyo ciidamada AMISOM, iyadoo warar qaar ay sheegayeen in qaraxa ahaa mid ismiidaamin ahaa.

Nin ka mid ah  dadka deegaanka Golweyn ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in afar ruux ay dileen Ciidamada AMISOM, iyadoo saddex ka mid ah dadka la dilay ay wateen gaari yar.

Wararka waxa ay intaa ku dareen in qof afaraad oo deegaanka Golweyn aad looga yaqaano ay dileen, kaasoo ahaa nin ku shaqeysta gaari dameer.

Dhanka kale, Afhayeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Shiine ayaa beeniyay in Ciidamada AMISOM ay dad rayid ah dileen, isagoo xusay in qarax ay Al-Shabaab u diyaariyeen kolonyada Guddoomiyaha degmada Baraawe ay rasaas ku fureen.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab oo soo weeraray qaraxa kadib kolonyada, isagoo tilmaamay in saddex ka dileen.

Ciidamada AMISOM ayaa horay xasuuq uga geystay degmada Marka, iyadoo sanadkan sii dhamaanaya ku dileen dad ka badan 10-ruux, inkastoo AMISOM ay sheegtay in falkii Marka ka dhacay loo xiray askar, in kastoo an la ogeeyn warka ay sheegeen in uu xaqiiqada dugsanyahay iyo in kale.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment