4254 Views

Jen. Tuuryare “Dhalinyarada Qurbaha ka yimid waa kuwa ugu badan ee Soomaaliya isku qarxiya”

Jen. Tuuryare “Dhalinyarada Qurbaha ka yimid waa kuwa ugu badan ee Soomaaliya isku qarxiya”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 19 December 2015: Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jen. C/raxmaan Tuuryare oo ahTaliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa sheegay in dhalinyarada ugu badan ee Soomaaliya isku qarxiya ay yihiin kuwa ka yimaada qurbaha ama dibada.

Tuuryare ayaa hadalkan ka jeediyay shirka dhalinyarada ee ka furmay magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah ula hadlay dhalinyarada qurbaha ee ka qeyb galeysa shirkaas.

Jananka ayaa sheegay in aan la ogolaan dadka qurbaha ku nool ee lacagaha u soo dira Al-Shabaab iyo kuwa masaajidada fadhiya ee dhalinyarada ku boorinaya inay Soomaaliya tagaan.

“Dhalinyarada qurbaha ka timid waa kuwo ugu badan ee isku qarxinaya Soomaaliya, dadka qurbaha ayaa la hadla, waa inaad iska diidaan masaajidada la idinka soo dirayo oo aad dhahdaan ma yeeleyno”ayuu yiri Jen. Tuuryare.

Wuxuu ugu baaqay dhalinyarada qurbaha in baraha bulshada ay u isticmaalaan sidii looga hortagi lahaa dadka raba inay qaldaan.

“Waa la socotaan Al-Shabaab waa daciif, maantana waxay marayaan meesha ugu daciifsaneyd, dagaalkooda wuxuu ku soo haray gaari is qarxinaya iyo qof is qarxinaya, ilaa intee ayay sii wadi karaan, ma sii wadi karaan waligood”ayuu yiri Jen. Tuuryare.

Dhalinyaro badan oo qurbaha ka timid ayaa ka bar bar dagaalama Al-Shabaab, waxaana ay ka qeyb qaateen weeraro iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment