6582 Views

Wararki ugu dambeeyay Qaraxi Maka-Almukarama iyo dhibaatadi ka dhalatay

Wararki ugu dambeeyay Qaraxi Maka-Almukarama iyo dhibaatadi ka dhalatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 19 December 2015: Qaraxi maanta duhurki ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Dad gaaraya saddex ruux ayaa ku dhintay,ila 6 kalena  kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo wadada dhinaceeda la dhigay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka dhaawacmay uu ku jiro Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Waabari oo goobta soo gaaray ka hor inta aanu qaraxa dhicin oo isla goobtaas ay is rasaaseyn ka dhacday.

Dad goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu waxyeelo u geystay goobo ganacsi oo ka ag dhow wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan xarunta Ganacsiga Al-Kowthar oo ka mid ah carwooyinka ugu waa weyn ee wadadaas ku yaal.

Qaraxa ka hor ayaa wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa laga maqlay rasaas culus, kaasoo dabley hubeysan oo gaari saarnaa ku fureen gaari kale, waxaana mar dambe la ogaaday gaariga la rasaaseeyay uu saarnaa Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo, kaasoo ka bad baaday, waxaana ku dhaawacmay darawalkiisa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaari rasaaseeyay gaariga uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud uu goobta ka baxsaday, ka hor inta aanu qaraxa dhicin.

Ciidamo isugu jira boolis iyo Nabadsugid ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay soo gaaray, waxaana ay ka wadaan baaritaan, iyadoo wadada ay xiran tahay.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ah wado mashquul badan oo ay gaadiidka isticmaalaan, waxaana ku yaala hotelo

iyo xarumo ganacsi oo dadka ka dukaameystaan, cagtana waa ay ku badantahay.

qaraxa

IMG_2615-1024x683 (1)

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment