10986 Views

DEG DEG: Dayaarad Air France oo Bomb laga helay, deg degna ugu degtay Mombasa

DEG DEG: Dayaarad Air France oo Bomb laga helay, deg degna ugu degtay Mombasa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20 December 2015: Warar iminka naga soo gaaray magaalada Mombasa ayaa sheegaya in laga helay  bomb musqusha (suulliga) diyaaradda Faransiiska ee “Air France” oo si degdeg ah ugu degtay magaallada Mombasa ee dalka Kenya.

Air Farance oo ay saarnaayeen 459 qof ayaa ku sii jeedday magaallada Paris ee caasimadda Faransiiska, ayadoo ka duushay dalka Mauritius, balse loo soo weeciyay duulimaadkaas Gegida Dayaaradaha ee Mombasa. Diyaaradda oo ah Boeing 777, oo duulimaadkeedu yahay # 463 ayaa ka soo duushay Mauritius 9pm, ayadoo codsatay inay ku degto garoonka diyaaradaha ee Moi oo ku yaalla Mombasa saacadduu markii ay ahayd xalay 12.37am. ee maanta.

Sida ay shegeen saraakiisha Kenya, Walax laga helay diyaaradda ayaa looga shakisan yahay bomb. Charles Owino, oo ah afhayeen ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in waxyaabaha qaraxa looga shakiyay la dajiyay diyaaradda, ayadoo cidina aysan waxba ka soo gaarin.

“Walxaha la rumeysan yahay inay yihiin kuwa qarxa si nabad ah ayaa looga soo saaray diyaaradda” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adda Kenya u qaabilsan garoommada diyaaradaha oo intaa raaciyay in duulimaadyada garoonka oo muddo yar hakad galay ay si caadi ah u shaqeynayaan.

Khubaro ku taqasusay waxyaabaha qarxa ayaa baaritaan ku haya waxyaabaha laga shakiyay ee aga soo saaray diyaaradda.

Benoit Luchini, oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradda saarnaa ayaa yiri “ Diyaaraddu si tartiib tartiib ah ayay hoos ugu dagaysay, waxaan fahannay in wax ay qaldan yihiin….. Waxaan xirannay xerkaha kuraaska (belt), si aad ugu degno Mombasa, maxaa yeelay waxaan u malaynaynay in cillad ay haysato diyaaradda, laakin sidaa ma ahayn Waxbaa ka qaldanaa dhinaca suulliga, waxay noqon kartay bamb”.

Wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay Dowlada Fransiiska ma jiraan, balse wixi war ah ee nagu soo kordha kala socda https://www.qaranimo.com/

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment