4218 Views

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud oo dil ka badbaaday

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud oo dil ka badbaaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20 December 2015: Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye “Cirfo “ayaa sheegay inuu shalay ka bad baaday isku day dil ay doonayeen in Al-Shabaab ku qaarijiyeen, kadib markii gaari uu watay oo marayay Wadada Maka Al-Mukarama rasaas lagu furay.

Mr Cirfo ayaa sheegay in weerarkaas aanay wax dhibaato ah ka soo gaarin, in kastoo gaarigiisa ressas farabadan lagu soo riday.

“Anagoo marayna Wadada mashquulka badan, ee Makka Al Mukarama ayaa nalagu weeraray, waxaa na weeraray Gaari ay wateen Koox hubaysan, waxaana alle mahadiisa ah inaan ka badbaaday Dilkii ay ila damacsanaayeen, balse dad badan oo kale ayaa dhibaato ka soo gaartay” ayuu yiri Cirfo.

Waxaa uu ugu baaqay laamaha ammaanka dowladda iyo shacabka inay iska kaashadaan sugida ammaanka, isla markaana laga hortago falalka amni darada.

Dad ka badan saddex ruux ayaa ku geeriyootay, in ka intaa badana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan agagaarka Shineemo Soomaali halkaas oo ganacsi badan ka furanyahay.

Saameynta ugu badan ee qaraxa ayaa ka soo gaaray Carwada Al-kowthar, iyadoo milkiilihii carwada iyo qaar kale oo shaqaalaha ka mid ah uu soo gaaray dhaawacyo an la ogeeyn inta uu dhawacaas la egyahay.

Maka Al-Mukarama ayaa ka mid ah wadooyinkaaadka loo ilaaliyo, waxaa isticmaala gaadiidka kala duwan ee dadweynaha iyo kuwa Dowlada intaba.

Hoose ka dhegeeyso Gudoomiye Cirfo

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment