7716 Views

Madaxweynaha oo gudoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Madaxweynaha oo gudoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20 December 2015: Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha islamarkaana lagu magacaabay gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Radio Muqdisho ayaa u qorneyd sidan.

XEER MADAXWEYNE  LR. 87                                                                       TAARIIKH: 19/12/2015

MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA GOBALKA HIIRAAN

 MADAXWAYNAHA J.F.S

Markuu Arkay    :  Qodobka  87aad, Xarafka ‘C’,  Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee

Dastuurka J.F.S.

Markuu Arkay    :  SharciLr. 116 ee soo baxay Ogosto 6, 2013 kuna saabsan sharcig

maamullada Degmooyinka iyo Goballadadalka

MarkuuTixgaliyey : Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Ref: WAG & F/XW/0281/15 ee

December 19, 2015 kuna saabsan xil kaqaadis Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Soo

jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Ref: WAG & F/XW/0282/15 ee

December 19, 2015 kuna saabsan magacaabis Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan

Markuu Garwaaqsaday : in ay jirto baahi loo qabo in Gobalka Hiiraan loo magacaabo Guddoomiye cusub iyada

oo waafaqsan qaabka dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka dalka si ay

mustaqbalka u dhismaan Dowlad-goboleedyo Dastuurka waafaqsan

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad

Waxa xilka laga qaaday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan

 Qodobka 2aad

Waxa uu Xeerkaan  u dhaqangelayaa si degdeg ah marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda JFS.

MUQDISHO: 19/12/2015

Madaxweynaha J.F.S

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

——————————————————–

XEER MADAXWEYNE LR. 86                    TAARIIKH: 19/12/2015

MAGACAABIS CAASIMAD GOBALEEDKA MAAMULKA KMG AH EE HIIRAAN IYO SHABBEELLADA DHEXE

MADAXWAYNAHA J.F.S

MarkuuArkay    :  Qodobka  87aad, Xarafka ‘C’,  Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee

Dastuurka J.F.S.

MarkuuArkay    :  SharciLr. 116 eesoo baxay Ogosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada Degmooyinkaiyo Goballadadalka

MarkuuTixgaliyey :Dareenka dadweynaha iyo Soo jeedinta odoyaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeedo ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Markuu Garwaaqsaday:  in ay lagama maarmaan tahay ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo xallinta khilaafaadyada iyo in ay jirto baahi loo qabo dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka dalkasi ay u dhisman Dowlad- goboleedyo Dastuurka waafaqsan

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad

Waxauu Madaxwaynaha J.F.S ansixiyay lagabillaabo maanta oo ay taariikhdu tahay19/12/2015in MagaaladaBuulaburde oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Hiiraan ay noqotoCaasimadda Maamulka KMG ah ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay yeelanayaan.

 Qodobka 2aad

Magaalada Jowhar oo ah magaalo madaxda Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa noqoneysa MADASHA marti-galineysa shirka maamul-dhisashada Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Qodobka 3aad

Sagaashan (90) cisho gudahood buu maamulka cusub ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe dhistaan u guuridoonaa magaalo madaxda maamulka oo ah Buuleburde.

Qodobka 4aad

Waxauu Xeerkaan dhaqangelayaa markauu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabicidoonaa Faafinta Rasmiga ah Dowladda JFS.

 

MUQDISHO: 19/12/2015

 

 

Madaxweynaha J.F.S

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment