70842 Views

XOG CUSUB: Dalka Itoobiya oo u kala jabaayo laba dowladood

XOG CUSUB: Dalka Itoobiya oo u kala jabaayo laba dowladood
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20 December 2015: Sida Lagu soo waramaayo rabashado, dibad baxyo xiriir ah iyo dagaal is ceyrsi ah, ayaa ilaa November bilowgeedii ka socda magaalooyinka ay degaan Oromada ee dalka Itoobiya taasi oo keentay in dad fara badan ay ku naf waayaan.

Shacbiga Oromada ah, ayaa ka dibad baxaya waxa ay ugu yeereen ilaalinta jiritaankooda kadib markii ay dowladda Itoobiya ku sameysay dhul ballaarsi iyagoo hirgalisay qorshe loo bixiyay Master Plan, sidaa waxaa sheegay Afhayeen u hadlay Qowmiyada Oromada.

Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan dalka Itoobiya, gudaheeda kaliya ay ku noolyihiin in ka badan 25 Milyan oo u dhasay Oromo, waxaa dalka ka taliya dadka laga tirada badan yahay ee loo yaqaanTigreega.

Shacbiga Oromada waxaa ay ka sheeganayaan  dhibaatooyin, waxaana lagu soo xadgudbay dhulkooda, waxaa laga dilay in ka badan 100 qof tan iyo markii ay dibad baxyada bilowdeen horraantii Bishi November, waana markii ay ka go’I lahaayeen dalka Itoobiya sidaa waxaa ku dhawaaqay qaar ka mid Jaaliyadaha Oromada ah ee Qurbaha degan.

Abiy Berhane oo ku sugan Safaaradda Itoobiya ee Ingiriiska ayaa sheegtay in 5 qof ay ku dhinteen, iyadoo ku eedeysay dibad baxayaasha in ay yihiin qas wadayaal.

Ninka ayaa intaa ku daray in Dowladda ay ka hortagtay in dalka uu ka dhaco xasuuq, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta Amnesty International ay soo jeedisay.

Amnesty International ayaa December 16, daabacday in “dowladda Itoobiya u marmarsiyootay Qowmiyadda Oromo, ku sheegtay in ay argigixiso yihiin ay keeni karto dhibaato xagga xuriyadaha ah” sidaa waxaa sheegay Madaxa hay’adda ee bariga Afrika Muthoni Wanyeki.

Sabtidii December 19, 2015 Hay’adda Human  Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya ay dishay ilaa 75 ka tirsan qowmiyadda Itoobiya, arrintaas oo ilaa iyo hadda dowlada Itoobiya aanay wax war ah ka bixinin.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment