3453 Views

Madaxweynaha oo goor dhow gaaray Beledweyn

Madaxweynaha oo goor dhow gaaray Beledweyn
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 21 December 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiran, maalin kadib markii wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, iyadoo xilka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii hore C/fataax Xasan Afrax.

Wararka sida ay nagu soo gaareen, Madaxweynaha waxaa ku wehliya safarkiisa wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano, Guddoomiyaha Cusub Yuusuf Dabageed, kaasoo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho markii la magacaabay.

Socdaalka Madaxweynaha ay la xiriirto arrimaha nabadeynta iyo adkeynta heshiiskii dhowaan la kala dhex dhigay beelihii ku dagaalamay galbeedka magaalada Beledweyn, iyadoo wali magaalada ku sugan yihiin Wafdi Wasiiro ah oo ku baxay xalinta colaadii ka jirtay magaalada.

Warar kale ee inta ka badan, ayaa sheegaya in Madaxweynaha ka qeyb geli doona munaasabad ay xilalka ku kala wareegayaan Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyihii hore

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan, isagoo kala hadli doona arrimaha dib u heshiisiinta, ammaanka iyo siyaasada, iyadoo dhowaan lagu wado in maamul loo dhiso Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Booqashada Madaxweynaha ee Beledweyn ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo maalmihi u dambeeyay magaalada Beledweyn ka taagnaayeen xiisad ka dhalatay dilka Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey, kaasoo dilkiisa lagu eedeeyay Ilaalada Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, waana sababta xilka looga qaaday.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha uu soo saaray wareegto uu ku magacaabay Caasimada Maamulka labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo noqotay degmada Buulo Burde, halka degmada Jowhar ay noqotay halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment