3594 Views

Guddoomiyaha Baarlamanka oo Mushaaraadkii ka jaray Xildhibaanno

____________________________________________________________________________

Jawari

Muqdisho, 22 December 2015: Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyai ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka islamarkaana Ganaax la dul dhigay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Tilmaamay in ay sameeyeen Tiro Koob lagu ogaanayo Xildhibaanadii ka maqnaa Fadhiyada Baarlamanka,waxaana uu xusay in 75 Fadhi oo ay Baarlamaanku yeesheen ay ka maqnaayeen  Xildhibaano aad u badan oo an cudur lahayn.

“Tiro Koobka aan soo saarnay waxaa uu ku aadan yahay Xildhibaanadda aan soo xaadirin Kulamada Baarlamaanka,waxaa jira Xildhibaano aan 75 Kulan aan soo xaadirin,waxaan u qiimeynay in Xildhibaanadii 50% waxii ka badan ka maqnaa Kulamada Baarlamanka in aan la siin doonin Mushaarkoodii iyo Gunooyinkoodii islamarkaana loo gudbiyay Guddiga Anshaxa EE Baarlamanka”ayuu yiri Jawari.

Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dhowr jeer sheegay in lala Xisaab tami doono Xildhibaanada aan soo xaadirin Kulamada Baarlamaanka  Soomaaliya ay yeeshaan tan iyo marki la doortay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment