5271 Views

Qatar airways oo Duulimaad Toos ah ka billabi- doonto Soomaaliya.

____________________________________________________________________________

qatar

Muqdisho, 22 December 2015: Shirkadda Dayaaradaha ee Qatar Airways, ayaa sheegtay inay  dhawaan billabayso Adeegy Duulimaad oo Toos ah oo ay ku tagi doonto Dalka Somalia, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Go’aanka Qatar airways ayaa ka danbeeyay Booqasho uu Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ku tagey DOHA, halkaasi oo Kulamo & Wadahadallo ku saabsan xoojinta Xiriirka Labada dalka kula yeeshay Mas’uuliyiinta Dowladda Qatar.

Qatar airways oo ah Shirkad caalami ah oo sumcad wayn ku leh Adduunka, ayaa ka mid noqon-doonto Shirkado kale sida Turkish Airlines iyo Greece Air oo Duulimaadyo Maalinle ah ku yimaado Magaalada Muqdisho.

Somalia ayaa soo jiidanayso Maalgashiga Caalamka, wixii ka danbeeyay 2011, markii Diyaaradda Turkish Airlines ay tagtay Somalia, kadibna Xafiisyo ka samaysatay Muqdisho iyo Magaalooyin kale sidi Hageysa.

Arintaan waxa ay muujinaysa Soomaalia in ay nabad ku socoto isla markaana Caalamka uu tartan ugu jiro sida ay u maalgashan lahayeen.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment