4167 Views

Wasiir ka tirsan Maamulka K/Galbeed oo is casilay

____________________________________________________________________________

kgs

Muqdisho, 22 December 2015: Wasiirkii lagu magacaabo Cumar Dheere, kana tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa shaaciyay inuu iska-casilay Xilka uu Maamulkaasi u hayay. Cumar Dheere oo aha Wasiirka Dalxiiska iyo Duur-joogya ayaa sabab uga dhigay Is-casilaadiisa wadashaqeyn iyo wadatashiyo la’aan uu samayanayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. “Shacabkii oo uusan waxba waydiin, oo la fariisan ayuu wuxuu doono iska sameeyaa Shariif Xasan, waxaasina ma ahan wax aan oran karo Maamul Goboleed, Xilkiina waan iska-cailay,” ayuu yiri Cumar Dheere. Wuxuu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uusan ahayn mid shacabka lagala tashado, islamarkaana uu Shariif xasan u ahayo hogaanka, meesha uu doonana uu dhaqaajiyo. Cumar Dheere ayaa sheegay in uu hadda Hubka qaatay, kuna biiray Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Deegaanka Ceel Cali oo ah Duleedka Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaas oo dagaalka kula jira Al shabaab.

Wax war ah ee ka soo baxay dhanka Maamulka Koofur Galbeed ma jiro.

Halkaan ka dhegeeso Wasiirka is casilay ee K/Galbeed.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment