3894 Views

Danjire Nicholas key oo Maanta la sagootiyay

Danjire Nicholas key oo Maanta la sagootiyay
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 24 December 2015: Munasabadaan oo ahayd mid lagu sii sagootinayay Ergeygii hore Qaramada Midoobe u qaabilsanaa arimaha Soomaaliya, Danjire Nicholas key oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha jamhuriyadda Soomaaliya, Raisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda iyo xubno Beesha Caalamka ka socday kuwaas oo dhamaan amaanay Xafiiska uu madaxda ka ahaa Mas’uulkan la baddalay.

Danjirihi hore ee Qaramada Midoobe u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Danjire  Nicholas key oo muinasabada ka hadlay ayaa  xusay  intii uu joogay  Soomaaliya in uu ka bartay  shacabka Soomaaliyeed waxyaabo badan”dadka Soomaaliyeed runtii waa kuwa jecel Soo dhawaynta martida, waana geesiyaal” ayuu yiri Mr Nicholas key Safiirkii hore ee Qaramada midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya hadase la badalay.

Danjire  Nicholas key, waxa uu yiri” Dadka Soomaaliyeed waa kuwo aad arkayso iyagoo arrimha qaar isku haysta  hadana marka ay banaanka u soo baxaan  isla qoslaaya, dhab ahaantii waa dad dhamaantood leh  rajooyin ay ka mid yihiin sidii ay dalkooda u gaarsiin lahaayeen  nabad iyo kala dambayn” ayuu yiri mar kale Danjire  Nicholas key

Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in Danjire  Nicholas key uu ahaa nin  ka shaqeeyey Xiriirka  Qaramada Midoobe iyo Soomaaliya isla markaan  lagu xasuusan doono in  uu xafiiskiisa u soo raray Soomaaliya dhawr sanadood kadib.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya Mudane Xasan  Shiekh Maxamuud  oo ugu danbaytii ka hadlay Munasaabadda Sagootinta Key ayaa  uga magad celiyey  Nicholas key sidii wanaagsanayd  ee uu ula shaqeyey  hay’addaha  dowladda Soomaaliya iyo Doorkii uu ku lahaa dib u soo kabashada Soomaaliya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment