5682 Views

Gobolka Sh/dhexe oo laga mamnuucay indho shareerka iyo mootoyinka Bajaajta magaalada Jowhar

Gobolka Sh/dhexe oo laga mamnuucay indho shareerka iyo mootoyinka Bajaajta magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

 

 

Muqdisho, 25 December 2015: Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ka mamnuucay haweenka inay xirtaan indho shareerta iyo in mootooyinka Bajaajta loo yaqaan aysan socon karin xilliyada habeenkii.

Maamulka Sh/dhexe ayaa ku sheegay sababta loogaga mamnuucay magaalada indha shareerta inay tahay iyadoo ay ku soo dhex dhuuman karaan rag doonaya in ay falal amni darro ka fuliyaan magaalada.

Agaasimaha Warfaafinta Maamulka gobolka Sh/dhexe C/karin Cumar Macalin ayaa sheegay in laga bilaabo 25ka bishan December aan la oggolaan doonin in haweenka indhaha shareerka ku dhex maraan magaalada Jowhar marki ay habeen noqoto.

“Iyadoo laga duulayo adkeynta ammaanka degmada Jowhar oo dhowaan uu ku furmayo ayaa maamulka gobolka waxa uu go’aansaday in gebi ahaanba haweenku aysan xiran karin indho shareer iyo weliba in mootooyinka bajaajta iyo mootooyinka kale aysan xilliyada habeenkii aysan socon karin laga bilaabo maqribnimadii.”ayuu yiri Agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka Sh/dhexe.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo lagu wado in dhowaan uu shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabelaha dhexe ka furmo magaalada Jowhar.

Ma aha markii ugu horeysay ee laga mamnuuco haweenka magaalada Jowhar inay xirtaan indho shareerta  oo horay ayaa Maxamed Dheere uga  mamnuucay xirashada indho shareerta marki asagu uu aha Gudoomiyaha Jowhar.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment