4695 Views

Sharciga Xanaanada Xoolaha oo La Meelmariyey

Sharciga Xanaanada Xoolaha oo La Meelmariyey
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 25 December 2015: Golaha wasiirrada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay shirkoodi caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho waxaana shir gudoominayay R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Afhayeenka xukuumadda oo shirka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulanka gobolaha wasiirrada maanta warbixin looga dhageeystay wasiirka arrimaha gudaha Mudane C/raxmaan Maxamed Odawaa oo ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha ee booqashada ku tagay Beledweyne.

Wasiir Odawaa ayaa xusay in safarkii uu madaxweynuhu ku tagay Beledweyne laga gaaray guulo waaweeyn iyo isfaham, isagoo dhinaca kale tilmaamay in heshiis buuxa laga gaaray dagaal beeleedyo ka dhacay Beledweyne.

Golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyay sharciga xanaanada xoolaha oo ay soo bandhigtay wasaaradda xanaanada xoolaha, kaasoo mudnaan gaar ah u leh xaanaaneynta xoolaha, iyo iib geyntoodaba.

Dhinaca kale golaha wasiirrada ayaa aqbalay in Soomaaliya ay xubin ka noqota hey’adda  Islaamiga ah ee horumarinta dhaqaalaha ee loo yaqaano ICD, waxa ayna hey’adaasi hoos tagtaa bangiga horumarinta Islaamka.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay heshiiska tayo dhowrka Qaranka oo ay soo gudbisay wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha, waxaana tayo dhowr lagu sameyn doonaa dhameen badeecadaha dibadda laga keeno.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment