3804 Views

Baarlamaanka oo ansixiyay hindise sharciyeedka lacag dhaqida iyo maalgelinta argagaxisada

Baarlamaanka oo ansixiyay hindise sharciyeedka lacag dhaqida iyo maalgelinta argagaxisada
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 26 December 2015: Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argigixisada.

Hindise Sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argigixisada oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka doodayeen mudanayaasha Baarlamaanka, kaasi oo ay soo diyaariyeen guddiga maaliyada ee Baarlamaanka ayaa waxa ay Xildhibaannadu ku meel mariyeen cod gacan taag ah.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa ku dhawaaqay natiijada codeyta, isago sheegay in 136 mudane ay ogolaatay, sideeed mudane ay ka aamustay, 11 kalena waa ay diideen, taasi oo uu ku sheegay inay tahay mid ansax ah.

“Codeynta hindise sharciyeedkii maanta waxaa ka aamustay sideed, waxaa diiday 11, waxaana ogolaaday 136 mudane, waana ansax ah hindise sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Dhinaca kale mudanayasha ayaa waxa ay sii amba qaadeen dood ku saabsan warbixinta guddiga hoosaadka jiheynta siyaadda 2016-ka u qaabilsan Baarlamaanka, taasi oo ahayd mid ay albaabada u xirnaayeen, isla markaana ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd oo loo diiday in gudaha galaan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment