4341 Views

Guddoomiyihii hore ee Shingaani Siciid C/qaadir Sicdii oo dib loogu soo celiyay xilkiisi.

Guddoomiyihii hore ee Shingaani Siciid C/qaadir Sicdii oo dib loogu soo celiyay xilkiisi.
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 26 December 2015: Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa mar kale dib u magacawday Siciid C/qaadir Siciid Guddoomiyaha degmada Shingaani, kadib markii xilkan laga qaaday bishii June ee sanadkan.

Wareegto ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa xilka looga qaaday Axmed Xasan Yallaxow oo ahaa Guddoomiyihii degmada Shingaani, iyadoo lagu bedelay Sicdii C/qaadir Siciid oo horay xilkan looga qaaday bishii June ee sanadkan.

Sidoo kale wareegtada magacaabista Guddoomiyaha degmada Shingaani ayaa ka dambeysay soo jeedinta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Siciid C/qaadir Siciid ayaa waxaa xilkan ka qaaday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), hase ahaatee xil ka qaadista ay ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in xil ka qaadistii Siciid C/qaadir Siciid ay la xiriirtay balan qaadyo xilal oo dowladda Soomaaliya u sameysay Maamulkii Ximan iyo Xeeb, xilligii Cadaado ay taallay gogashii shirka maamul u sameynta Galmudug.

Xil ka qaadistaas kadib ayaa isku shaandheyn lagu sameeyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Hodan loogu magacaabay Axmed Salaad oo horay u ahaa Guddoomiyihii degmada Cadaado.

Dad badan ayaa saluugsanaa qaabkii loo maray xil ka qaadista Mr Siciid C/qaadir Siciid oo noqday ninka kaliya ee xilka laga qaaday Guddoomiyeyeyaashii dhalinyarada ahaa ee sanadkii 2014 xilalka degmooyinka qabtay.

Hadaba halkan hoose ka akhriso wareegtada ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha:-

saciid

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment