4710 Views

Maamulka Jowhar oo bilaabay dib u dhiska xarumo muhiim ah

____________________________________________________________________________

jowhar

Muqdisho, 26 December2015: Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wada dadaallo uu dib u dhis ku sameynayo waddooyinka soo gala Magaalada Jowhar iyo dhismaha xarumaha lagu qaban doono shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Maamulka oo kaashanaya shacabka ayaa bilaabay dib u dayactirka waddooyinka muhiim ah iyo dhismaha halka lagu qabanayo shirka iyo meelo kale oo muhiim u ah martida ka qeybgalaysa shirka.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Abuukar Bacadle ayaa ku soo waramayaa in magaalada Jowhar ay ka socoto qaban qaabada ku aadan shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe tan iyo markii digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ahayd in gogosha lagu qaban doono Jowhar, halka magaalo madaxda dowlad goboleedka labada gobol ay noqoneyso degmada Buulo-Burde ee ka tirsan Gobolka Hiiraan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment