4200 Views

M/weyne qaab Xiniin-taabad ah loogu doortay Gobalka Bakool

____________________________________________________________________________

Axmed-Madoobe-iyo-Shariif-Xasan

Muqdisho, 26 December 2015: Wararka naga soo gaaraya gobalka Bakool ayaa ayaa sheegaya in xubno uu soo dirsatay Axmed Madoobe oo  shirku uga socday magaalada Ceelbarde ayaa shalay doortay madaxweynaha maamul goboleedka Cusub ee loogu wanqalay looguna magacaabay Bakool Sare.

Axmed Mashruuc ayaa loo doortay Gudoomiya Gobolka Bakool Sare ayaa doortay Axmed Mashruucy, ku xigeenkiisana loo doortay Cabdullahi Sahal. Ergadu waxay horay u ansixisay, calanka iyo sumadda maamul goboleedka, xuduudaha, caasimadda oo ah Ceelbarde iyo dastuurka, waxaana sidoo kale la sugayaa in ilaa iyo bari la shaaciyo tirada iyo magacyada baarlamaanka uu yeelanayo maamul goboleedka Bakool Sare.

Sida awood qaybsiga degmooyinka ka muuqata, caasimadda waxaa qaatay reer Ceelbarde, madaxweyne waxaa qaatay reer Yeed, halka Reer Aatana ay ka qaateen ku xigeenka madaxweynaha.

Siyaasi ku sugan madasha ayaa sheegay sida ay shacabka sadex daasi degmo uga go’antahay inay isku tashadaan ayaa wuxuu tusaale ugu soo qaatay geel 150 neef ah oo shacabku ku deeqay in loo qalo ergada shirka inta uu socdo, taasina waxay ku tusinaysaa ayuu yiri isku tashiga shacabka deegaanka iyo waliba hodannimadooda xaga moodka iyo nool kaba.

Axmed Madoobe oo doonaayo in uusan meel sare gaarin maamulka Shariif Xasan ayaa ka dambeeya arintaan, madaama degmooyinkaan ay ka mid yihiin kuwa maamulka Koofur Galbeed.

Dhanka Sharif Xasan , wax ka soo baxay ma jiraan, balse waa laga orbegi-doonaa.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment