4233 Views

Beledweyne ma lagu qaban karo Shir Dowlada ka dhan ah

Beledweyne ma lagu qaban karo Shir Dowlada ka dhan ah
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 27 December 2015: Wareegto kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, ayaa lagu mamnuucay Shirarka Siyaasadeed ee lagu qaban jiray Magaalada Beledweyne.

Gudoomiye Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, ayaa sheegay in maamulkiisa uusan aqbalii doonin in Shirar lagu dhaliilayo ama looga soo horjeeda dowladda Soomaaliya lagu qabto Beledweyne, iyadoo uusan Maamulkiisa lagu soo wargelin.

Wuxuu ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka & Siyaasiyiinta Reer Hiiraan in Wixii fariin ah oo ay u dirayaan Dowladda Federaalka ay usoo mariyaan maamulkiisa maadaama uu wakiil uga yahay Gobolkaasi.

dabageed-450x264Yuusuf Daba-geed oo dhawaan mar labaad loo magacaabay Gudoomiyaha Hiiraan, ayaa waxaa la sheegay inuu aad u cacaadinayo Odayaasha Deegaanka, oo qaarkood aad u diidan in Shirka Jowhar ka qeybgalaan.

Dad badan ayaa ka carooday arintaan oo sheegay in Dabageed uu u dhaqmaayo si nin kaligi ka taliyo Gobolka Hiiraan. Nin odayaasha ka mid ah, ayaa sheegay in Gudoomiyaha uusan caburi karin shacbiga Beledweyne isla markaana uu jicelyahay in uu is muujiyo si uu ugu dhawaado Dowlada Federalka ah.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment