4266 Views

Jubaland oo diiday heshiis ay DF Somalia la gashay sharikada Spectrum

Jubaland oo diiday heshiis ay DF Somalia la gashay sharikada Spectrum
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 27 December 2015: Qoraal ay soo saartay Maamulka Jubaland bishi December 24-keedii kuna saabsanaa heshiiski dhawaan dhexmaray Shirkadda Shidaal baaritsta ee Spectrum iyo Dowladda Federaalka ayey Jubaland sheegtay in heshiiskaas aan sharci aheyn uu ka hor imaanayo dastuurka dalka.

Warqaddan sharciga loo cugsaday, waxaa la gaarsiiyay sida la sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’isul Wasaare Cumar, Madaxweynaha Jubaland, Wasaaradda Petrolka Soomaaliya, Shirkadda Specturm iyo Shirkadda BGP.

Maamulka Jubaland oo warqadda ku hesheegtay in Dastuurka dalka 2012-ka uu dhigayo waxbaayaha u gaar ah dowladda federaalka ah sida ku qoran qodobka 54-aad, kaas oo u qoran sida:

Qodobka 54aad. Kala qaybinta Awoodaha

Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Dawladda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo: A) Arrimaha Dibadda; B) Difaaca Qaranka; C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso dowladda federaalka.

Jubaland waxaa ay qabtaa in wixii shidaal iyo kheyraad ku saabsan ay tahay in iyada laga tashto, waxaa kaloo ay sheegtay in kheyraadka ku jira Jubbaland ay xaq u leeyihiin in ay ka faa’ideystaan reer Jubbaland.

Jubaland waxaa ay soo qaadatay qodobka 51-aad ee dastuurka dalka oo dhigaya Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 51aad. Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha JamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliya

Heer kasta oo Dawladeed ha ahaadeen heerar siman ama kuwo kala sarreeya waa in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo wanaagsan

(1)         Dawlad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale, waana in ay:

(a)        La yeelataa xiriir walaaltinnimo oo wax-ku-ool ah heerarka kale ee Dawladaha, una horseedaa midnimada muwaaddiniinta;

(b)       Heer kasta oo Dawladeed waa in ay ku wargelisaa heerarka kale siyaasadaha iyo hawlgallada ay ka fulineyso degaannadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaannada heerarka kale;

(c)        Yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah.

(2)         Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Dawladda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka si ay isula meeldhigaan:

(a)        Adkaynta Midnimada Qaranka;

(b)       Sugidda ammaanka iyo Nabadgelyada Dalka;

(c)        Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka;

(d)       Horuumarinta baraaraha shacabka;

(e)        Isdhaafsiga macluumaadka.

(3)         Dhammaan heerarka Dawladaha waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey.

Guddiga Dib-u-habeynta Qabyoqoraalka Dastuurka

(4)         Sharci Baarlamaank Federaalku ansxiyay waa inuu xeeriyo:

(a)        Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda heerarka Dawladda;

(b)       Samaynta hay’ado habaraacyo fududaynaya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha heerarka Dawladda inta aanay u gudbin maxkamad.

Ugu Dambeyntii waxaa ay soo jeediyeen in Jubaland aan shaqo ku laheyn heshiis ku sheegga ay gashay dowladda iyadoo aan lala socodsiin Jubbaland.

Jubbalad waxaa ay soo jeedisay in shirkaddaha shidaalka ka baaraya dhulka Jubbaland ay taxadar muujiyaan kuna laabtaan heshiiska haddii kale ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo.

Shirkadda Specturm ayaa dowladda heshiis shidaal baaris la gashay bishi September 5eedi ee sanadkaan 2015.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment