5277 Views

Balcad oo laba qofood lagu dilay

Balcad oo laba qofood lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 December 2015: Wararka ka imaanayo Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegayaan in mid ka mid ah Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida uu Degmadaasi ku dilay laba qof oo shacab ahaa.

Askarigan, ayaa labadaasi qof ku dilay Boosteejada laga raaco gawaarida aadda Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ee Jowhar wuxuuna  Dilka ka dambeeyay markii Askarigaasi ay wada murmeen nin dhalinyaro ah.

Wararka waxay intaa ku darayaan in askarigu uu rasaas ku furay Wiilka muranku dheeraaday, taa oo dhalisay geerida ninkaasi dhalinyarada ah iyo nin kaloo oday ahaa, oo ka ag-dhowaa halka dilka ka dhacday.

Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka Maamulka Degmada Balcad, C/laahi Maxamed Xasan, ayaa wuxuu u xaqiijiyay dhacdadaan isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay dhibka meesha ka dhacay.

C/laahi Maxamed Xasan, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Dowladdu ay gacanta ku soo dhigeen askariga labada ruux ee shacabka ah dilay isla-markaana uu ku xiran yahay xabsi ku yaala Degmada Balcad halkaas uu sharciga ku sugaayo.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment