4590 Views

Habraaca 4.5 oo Xanibaad Weyn Ku ah Dimoqaradiyenta Soomaliya

Habraaca 4.5 oo Xanibaad Weyn Ku ah Dimoqaradiyenta Soomaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 29, 2015 – Dimoqaradiyeynta Soomaaliya wax la geliyey dadaal aad u fara badan oo jidka loogu xaarey dhameystirka qorshihii lagu hirgelin lahaa oo saanqaadkoodi ugu horeyey la filayey in la meel mariyo sida ansixinta dastuurka oo loo qaado afti guud, dhameystirka dowlad-goboleedyo ay dadku soo doortaan madaxdooda, qeexida xuduudaha degmooyinka iyo gobolada ay ka dhacayaan doorashooyinka loogu tartamayo kuraasta baarlamaanka, ansixinta xisbiyo siyaasadeed oo kooban, iyo qabashada doorashooyin ku saleysan hal qof iyo codki. In Soomaaliya ay ka hirgasho nidaamka dimoqaraadiga ah waxaa hortaagan habraaca 4.5 oo ku saleysan saami in wax lagu qeybsado, kaas oo ku saleysan dhaqanka qabiilka oo laga soo gaarey ismaamulka reer guuraaga.

Dhaqanka Soomaalida oo ka soo jeeda miyiga wuxuu aad u raacsan yahay nidaamka Jamhuuriga oo aaminsan dowlad kooban oo yar oo aan xoriyada ganacsiga ku caburin xeerbeegsi (regulation) baaxad weyn. Reer guuraagu ma jecla wax xoriyadooda xakameeya, waxaana aad u dhiba u hogaansamida ku dhaqanka sharciga, waxeyna jeclaan lahayeen iney ku noolaadaan nolol xukun la’aan ah, ganacsi xora oo furan, isdifaacid xoogan, iyo madaxbanaani buuxda. Ku dhaqanka fikirkaas asalraaca ah wuxuu xoojiya dagaalyahanimada, colaad abuurista iyo naceybka si ay mitidnimo ugu ilaalshadaan dhowrista hantidooda iyo xoriyadooda. Reer guuranimada waxaa ka dhasha ku dhaqanka qabyaalada oo ah hab ku saleysan isirnimo, kaas oo ah nidaam ilaaliya inuusan degaanka ka dhicin isbedel roga ku dhaqanka caadooyinkooda (conservative belief), taas oo sabab u noqota inuusan dhicin isbedel ku yimaada dhaqanka bulshada iyo horumarka degaankooda (status Quo). Dhaqan la yuurarkaas waa nuuc ka mid ah caadooyinka ka turjumaya dhaqan bulshadeed ku saleysan kelitalisnimo (Social Authoritarism), waxeyna dhiirogelisa meelmarinta heyb-sooca ( heresy excommunication).

Ku dhaqanka qabyaaladu wuxuu dhaliyaa sinaan ka dhex jirta beesha dhexdeeda, waxeyna beel walba ku hamisaa iney beelaha kale la simaan, waxaadna arkeysaa kulamada beelaha in dadku ay is dhex fadhiisanayaan oo talada si siman loo qeybsanayo. Marka aad si dhaba u fiirisid munaasabadaha lagu maamuusayo guurka, geerida, ama martiqaadayada wax lagu wada cunayo oo ah mid wadaraeed, iyo wadaagida maandooriyaha Jaadka intaba waxey muujinayaan in loo soo abaabulo qaab wadareed ay dadku si iskudhafa ay uga qeybqaadanayaan. Waxaad arkeysa in munaasabadahaas ay si siman ugu wada kulmayaan dad maal leh iyo kuwo faqriya, kuwo cilmi leh iyo kuwo aqoontu ku yartahay, dhalinyaro iyo odeyaal, madax dowladeed iyo kuwo rayida, ama reer magaal iyo reer guraa intaba. Dhaqankaas wuxuu ka turjumayaa in nidaamka ku dhisan qabiilka aysan ka dhex suurtoobeyn hanaanka dadku ay ku yeelanayaan dabaqadaha xirfada, aqoonta, iyo maaliyadda. Dadka qabiilka ku soo barbaaray meherad kasta wax xooga ayey ka dhegeystaan, waxeyna qabaan kalsooni sareysa oo ah in ay wax walba yaqaanaan sida wadida gaadiidka, hal-abuurka abwaanimada, macalinimada, ganacsiga, garyaqaanimada, ku dagaalanka hubka, xog- ka-warranka, xoolo dhiqida, ugaarsiga, geedo yaqaanka,iwm. Wakhtiga isbedeley wuxuu soo kordiyey in qofku uu ku taqasuso hal xirfad oo uu aqoon jamacadeed oo dheer u soo maray si uu ugu guuleysto hanashada aqoonsiga xirfadiisa, taas oo gelineysa shaqsigaas dabaqad uu ka tirsan yahay oo adeegsiga shaqada meheradiisa ay nidaamka dowliga ah ku aqoonsaneyso.

Dimoqaraadiyadu waa nidaam abuuraya dowlad shacbi oo dadka awood u siineysa iney soo doortaan madaxdooda, madaxduna ay masuuliyad ka saaran tahay horumarka dadka ay danahooda wakiil ka yihiin. Nidaamkan wuxuu adkeynayaa in dowladu ay u dhego nuglaato dareenka uu xambaarsan yahay codka shacabka, kuna shaqeyso kalsoonida rabitaankooda oo ah in la hormariyo maslaxada guud ee dadka. Dimoqaraadiyadu waxey xooga saareysa iney jiraan doorashooyin loogu tartamayo qabashada xaruumaha dowlada looga taliyo. Ku dhaqanka tartanka doorashada ma ahan caado laga yaqaano nidaamka ku dhisan beesha. Dimoqaraadiyadu waxey dhiirogelineysaa in bulshadu yeelato meherado kala duwan oo leh ururo xirfadeed, waxeyna bulshadu horumar gaareysa marka ay yeelato dabaqyo xirfadeed oo curiya maskax farsamo iyo mid maaliyadeed. Bulsho u qeybsan beelo oo aysan dadku lahayn dabaqyo ay ka tirsan yihiin waxey horseedeysaa gaabis ku yimaada dhaqdhaqaaqyada cilmiyeysan ee siyaasada, dhaqaalaha, iyo bulshada.

Soomaaliya waxey horay ugu fashilantay hirgelinta hantiwadaaga, maxaa yeelay nidaamkaas wuxuu ka curta marka ay jirto dad leh xirfado shaqo iyo maalqabeen leh wershedo oo uu ka dhexjiro dulmi ku saleysan faa’iidada wax soo saarka. Soomaaliya ma lahan dabaqado shaqaale iyo kuwo maalqabeen ah oo hanti badan leh, lagumana tilmaami karo bulshada Soomaliyeed mid uu ka hirgeli karo nidaamka hantigoosadka waayo waxaan jirin hanti xoog leh oo ku aruursan gacmo gaara oo si shaqsiya loo leeyahay, sidoo kale kama hirgeli karo hantiwadaag bulsho aan lahayn dabaqado. dimoqaraadiyadu waxey horseeda hirgelinta hanaan dhexe oo jidka u xaaraysa hantigoosadka meel dhexaadka ah iyo hantiwadaaga isku dhex milan, kaas oo ogolaanaya in dadka dhibaateysan la gargaaro iyo in la dhiirogeliya ganacsiga xorta ah iyo curinta hal-abuurka. Meeldhexe meesha kama saareyso jiritaanka bulsho ka kala tirsan dabaqado oo midba kan kale uu ku tiirsan yahay xirfadiisa, curinta maskaxdiisa, maalgashigiisa, iyo in la kala shaqeysto.

Curiyeyaasha habraaca 4.5 oo ay ka soo maaxatey maskadii hindistey Dowladii Carta waxey ahayeen kuwo ka soo horjeedey in Soomaaliya uu ka dhaco isbedel siyaasadeed oo shacabku uu wax ku dooran karo hanaanka dimoqaraadiyada, taas oo ay cabsi ka qabeen in ay saameyn ku yeelato wadamadooda oo xukuumado kelitalisa iyo boqortooyo ay ka jiraan. Dalka Soomaaliya hogaaminteeda waxaa isku bedeleyey hogaamiyeyaal qabiil, kuwo diin, kuwo ciidan, iyo kuwo aqoon yahan rayida oo si meerto ah isugu bedelayey. Dhamaantood waxey ka wada siman yihiin in nidaamka dowladnimada aysan raacin dhaqanka cilmi ahaan loogu talo galay, kaas oo ay ku hodontoomeen dowladaha caalamka oo ku liibaaney hirgelinteeda. Waxey taas dhaxal siisay shacabka Soomaaliyeed in loo soo alifo hanaan ku dhisan qabyaalad, musuqmaasuq, iyo shisheeye-kalkaal, kuwaas oo ay horkacayaan horjoogayaal aan waxba isdoorin laakiin meerto ka dhigay weji cusub oo ka soo jeeda aqoon yahan rayida oo musuq ku maamusha, askeri kelitalisa oo cabsi wax ku xukuma, wadaad imaankiisu ku soo ururay urursi xoolo adduunyo, iyo dagaalooge dhiiga qabiilkiisa jago siyaasadeed ku doonaya. Dadka hal-abuuray hanaanka 4.5 uma aysan jeedin iney xaqiraan xuquuqda qeyb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, laakiin qasadkoodu wuxuu ahaa iney helaan hab ay ku soo xulan karaan ergo qabiil oo mateleysa qaab qaran(Tribal electoral college), kuwaas oo soo xulidooda loogu daneynayo cid gaar ah oo la doonayo in ay ku soo baxdo codbixintooda, sidaasna waxa ku guuleystey oo ku liibaaney madaxda xukunka isaga dambeysey oo ay kala wateen Jabuuti, Itoobiya, UN, iyo Carabta.

Waxyeelada 4.5 waxaa laga dareemi karaa magaalada Ceelbuur oo ah magaalo fac weyn oo dad qiimo leh ay ka soo jeedeen sida Xalane iyo Cilmi Nuur, magaaladaas oo lixdameeyadii ahayn magaalada ugu weyn gobolka Galgaduud. Xulashooyinkii isdabajoogey ee lagu soo xulay 4.5 marka laga soo bilaabo sanadkii 2000, waxey dhaxalsiisay magaalada Ceelbuur iney noqoto cidlo laga kala guurey. Xildhibaanadii ka soo jeedey beelaha dega magaaladaas waxaa laga soo xulay xamar, mana jiro cid si gooniya uga danqaneysa cabashada ka imaaneysey shacabka magaaladaas oo go’doon iyo horumar la’aan uu dumiyey. Haddii xildhibaanada lagu soo dooran lahaa habraac degmo waxey Ceelbuur heli lahayd wakiilo ka danqada burburka degaanka ay ka soo jeedaan ku socdey, laakiin nasiibdaro Ceelbuur waxey eeday habraaca 4.5, waxeyna tusaale iyo tusmo hormood ugu tahay degmooyin fara badan oo jiritaankooda uu tirtiri doono habraaca 4.5, kuwaas daba geli doono sida ay ku dambeysey Ceelbuur.

Habraaca 4.5 wuxuu dhiirogelinayaa ku dhaqanka qabyaalada, kooxeysiga diinta, boobka hantida qaran, musuqmaasuqa dowlada,iyo xildhibaanada in laga soo xusho suuqa, laguna soo xusho u codeynta musharaxa dhaqaalaha ku bixiyey soo xulashadooda. Hanaanka 4.5 wuxuu caqabad weyn ku yahay hirgelinta nidaamka doorashooyinka oo ay dadku si toosa uga soo dooranayaan degaanadooda wakiilada ay ku aamineen dantooda guud iney ugu adeegaan. Dadka in lagu hayo isbedel la’aan waxaa cudurdaar looga dhigaa habraaca 4.5 inaan laga gudbi karin marxalada hadda lagu jiro oo ah in madaxada hadda dalka ka jirta ay iyaga ku haboon yihiin iney dhameystiraan hawlaha qaranka oo weli qabyada ah. Waxey taas la micno tahay joogteynta habraacaas oo ka turjumaya in Soomaaliya aysan weligeed helin dowladnimo cadaalada ama xaqsoor ku dhisan.

Haddii ku dhaqanka qabiilka oo lagu kobciyey ku dhexmilanka kooxeysiga diinta ay Soomaliya u horseeday burburka dowladnimadeeda, rajada ka muuqaneysa sii wadida habraaca 4.5 waxey noqoneysaa sii socodka xatooyada xoolaha dadka iyo hantida qaranka oo la xalaaleysto, iyo habraacaas oo noqda dhaqan soo jireen ah oo saameyn ku yeesha diinta iyo dowladnimada, iyo inuu caqabad ku noqdo in dalka uu ka hirgalo mabda’ siyaasadeed oo ku dhisan fikir dalka u horseeda hanaanka doorashooyinka ku saleysan xisbiyada.

Soomaaliya nidaam dimoqaraadiya iyo mid federaal midna kama dhici karo inta dadka aysan awood u lahayn iney soo doortaan wakiiladooda matelaya danaha degaankooda. Soomaaliya waxey waayo-arag ku tahay iney qabyaaladeyso wixii cusub oo ku soo kordha dhaqankeeda. Tusaale ahaan Diinta Islaamka waxa lagu dhexmilay qabyaalada oo liqday, waxaana cad in maanta ay qabyaaladu ka xoog badan tahay diinta. Aawey halgankii Darwiishta oo ku bilowday la dagaalanka gumeysiga Yurub, sow kuma dambeyn uurdoox qabiil. Aawey dimoqaraadiyadii been abuurka ahayd ee 1960 la hirgeliyey, sow kuma dambeyn qabiil ku dhaqan. Aawey kacaankii barakeysnaa ee hantiwadaaga ee 1969, sow kuma burburin adeegsi qabiil. Sidaas si la mid ah ayey dadka aaminsan habraaca 4.5 si xeeladeysan u ogolaadeen in la isku dhexmilo nidaamka habraaca 4.5 oo ku dhisan sami-qeybsiga qabyaalada iyo habraaca ku saleysan doorasho degmo, waxeyna xeeldheereyaashaas ogyihiin labada hab ineysan israaci karin oo mid ka mida uu midka kale liqayo, waana iska cadahay wada socodkoodu cida ay ku dambeyneyso in la majaxaabiyo. Haddi Islaamku xaraan ka dhigi lahaa qabiilka, Soomaaliya ma noqoteen wadan muslim ah, waana taas mida habraaca 4.5 caqabad ay ugu noqotay in Soomaaliya ay ka hirgeliweyso nidaamyada aduunka dowladnimadooda lagu maamusho, maxaa yeelay isticmaalka aragtiyadaas siyaasadeed iyo qabyaaladu isma qaadan karaan, ismana dhexgeli karaan.

Waa arrin jirta in dalka oo dhan aysan kawada jirin degmooyin si cadaalada gobolada dalka looga wada hirgeliyey, waxaana xaqiiqa in gobolada qaar ay la eg yihiin dhowr gobol oo la isku daray, waana waxaan la inkiri karin in dowladaha ka jira maamul-goboleedyada dalka aysan naftoodu amaangelineyn in degmooyinka hoos yimaada maamulkooda ay si xora oo ka madaxbanaan madaxda dowlad-goboleedyadaas ay u soo doortaan madaxdooda. Sidaas oo ay tahay ayaa isla xisaabtanka ka dhexeeya shacabka iyo madaxda ay doortaan waxaa ciqaab iyo abaalmarin ay ku kala muteysanayaan xisaabi xil maleh ka dhacda degmooyinka oo ay dhacdo in siyaasiyiin ay dadku dib u soo doortaan, kuwo kalena ay kala noqdaan kalsoonida. Isla xisaabtanka dhabta ah waa in lagu saleeyo inuu ka soo bilowdo qaabka lagu saleynayo doorashooyinka ka dhaca degmooyinka. Haddii loo fekero si qabiila oo gobolada iyo degmooyinka dalka ka jira lala xiriiriyo inuusan waafaqsaneyn isku dheelitirka habraaca 4.5, miyeysan halkaas ka muuqan in ku dhaqanka dastuurka, jiritaanka xubnaha ka tirsan federaalka, iyo dimoqaraadiyenta Soomaaliya oo ay ku baxday lacag bilyano ah iney yihiin mashaariic beenabuura oo caalamka lagu af gobaadsanayo ama lagu tuugsanayo. Marka degmooyinka hadda jira xuquuqdooda la ogolaado ayaa waxaa furmaya xuquuqda ka maqan dadka aan lahayn degmooyinka ama lagu gacan-bidixeeyey maamuladii dalka soo maray. Jidka toosan oo la raaco wuxuu cid walba gaarsiinaya iney ka baxdo xaqdarada ay tabaneyso, sidaas si la midana jidka xun oo la sii raaco wuxuu dhalinayaa xaqdarradu iney sii badato heer cid walba ay gaarto iney caadeysato ku dhaqanka cadaaladdarida. Dimoqaraadiyadu waxey ku saleysan tahay doorashooyinka degmooyinka, habraaca 4.5 wuxuu ka soo horjeeda doorasho ka dhacda degaanada iyo dimoqaraadiyad ka hirgasha Soomaaliya.

.

dr-siciidDr. Saciid Ciise Maxamud(SACIM)

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

saciidciise258@aol.com

Maine, United States of America

________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment