4008 Views

Sharif Xasan oo an tegi-doonin Shirka Kismaayo

Sharif Xasan oo an tegi-doonin Shirka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 29 December 2015: Shariif Xasan Sheekh Aden oo ah M/weynaha maamulka Koofur Galbeed oo ah  ayaa lasoo sheegayaa in uusan ka qeybgali doonin shirka lagu go’aaminaayo doorashada dalka ka dhaceysa sanadka 2016 ee lagu qaban doono Kimaayo sababo la xiriirtay maamulka Bakool Sare oo ay ku dhawaaqeen Xildhibaano ku beel ah Axmed Madoobe.

Shariifka ayaa waxaa talo ahaan loo siiyay in 10 bisha January uusan tagin Kismaayo maadaama maamulka fowdada ah ee laga dhisay qeybo ka mid ah deegaanadiisa ay hoos ka riixayaan Axmed Madoobe Iyo C/wali Gaas isla markaana la rabo in maamulkiisa la qaso.

Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in Shariif uu soo saari doono qoraal uu ku cadeenaayo in uu go’ay xiriirkii uu la lahaa Jubbaland Iyo Puntland maadaama iyaga ay isku baheysteen burburinta maamulka Koofur Galbeed.

Bahweynta saddexd Gobal ee Koofur Galbeed ayaa talo ahaan u siiyay Sharif in uusan shirkaasi ka qeybgalin si beesha caalamka iyo DF Somalia ay u xaliyaan xaalada taagan hadda ee u dhaxeysay Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment