5397 Views

Nuur Faarax: “Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak waa diideen in lala xisaabtamo”

Nuur Faarax: “Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak waa diideen in lala xisaabtamo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 29 December 2015: Dr. Nuur Faarax Jimcaale Faarax, Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka  ayaa sheegay in dalka aanay xisaabtiisa xirmi karin, kadib markii uu ku dhaliilay in Hey’addaha lagu wareejiyay ilaha dhaqaale ee dalka ay diidan yihiin in lala xisaabtamo.

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo la hadlayay Baarlamaanka ayaa sheegay in Shirkadaha Favori oo Maamusha ku heysa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Shirkadda Al-Bayrak oo gacanta ku heysa Dekeda weyn ee Muqdisho ay diideen in lala xisaabtamo oo la ogaado dhaqaalaha soo gala iyo kuwa ka baxa.

“Horta wadankan xisaabtiisa xirmi meyso, hadii shirkadaha lagu wareejiyay ilihii dhaqaalaha ee dalka aan la xisaabin karin, Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak waa noo diideen inaan la xisaabtano, waxaa ka dhaa-dhacsan, in aan la xisaabin karin ama aan la hanti dhowri karin”ayuu yiri Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Waxaa uu ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxda dowladda in arrintan wax ka qabtaan, inta aan la gaarin bisha Janaayo, maadaama loo baahan yahay in sanadkan dhamaanaya ee 2015 in xisaabtiisa la soo xiro.

Shirkadda Al-Bayrak oo sanadkii 2014 lagu wareejiyay Dekeda Muqdisho ayaa bishii November ee 2014 soo bandhigtay bil gudaheed dhaqaalaha ka soo xarooday Dekeda oo gaarayay 1,582,000 (Hal Milyan Shan boqol sideetan iyo Laba kun oo dollar ah).

Inkastoo wixii markaas ka dambeeyay aanay Shirkaddu soo bandhigin dhaqaalaha bil walba soo gala Dekeda, waxaana loo arkayay tallaabadaas mid shacabka ay kula wadaageyso dhaqaalaha soo gala Dekeda oo aan hortii la ogeyn.

Sidoo kale Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaan wali soo bandhigin dhaqaalaha ka soo xarooda garoonka, inkastoo Shirkaddu dib u dhis ku sameysay garoonka, isla markaana si casri ah u dhistay horaantii sanadkan.

Shirkadahan ayaa laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana sanadkii la soo dhaafay dowladdu ku wareejisay Garoonka iyo Dekedda oo ah labada il ugu weyn ee dhaqaalaha ka soo xarooda.

Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku sameeya xafiisyada hey’adaha dowladda, waxaana marka la gaaro dhamaadka sanadka uu xisaab xir ku sameeyaa dhaqaalihii sanadkaas soo xarooday iyo kuwa baxay.

 

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment