4503 Views

Arday Soomaali ah oo feer sanka kaga jebiyay Macalimadisi

Arday Soomaali ah oo feer sanka kaga jebiyay Macalimadisi
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 30 December 2015: Wiil lagu magacaabo Ridwaan Maxamuud oo 17-jir arday Soomaali ah ayaa 21-kii bishan waxaa uu feer sanka kaga jebiyay Macalim wax ka dhigta Dugsiga sare ee Southwest High School ee degmada Green Bay oo ku yaalla Gobalka Wisconsin ee dalka Maraykanka.

Ardayga ayaa la sheegay inuu ka carooday Eray Kaftan ah oo ay Macallimadda dhowr maalmood ka hor ku tiri: “Ridwaan waad fool xun tahay”, balse markii dambe ay ka raalli-gelisay. Hadalka macallimada ayaa waxaa ku dheehnaa xod-xodasho taas oo kaftan ahaan ugu muujisay wiilka.

Ridwaan ayaa ka soo hor-muuqday Maxkamad, iyadoo dacwad oogayaasha ay ku soo oogeen dambi ah inuu si ula kac ah u feeray Macalimadiisa.

Waxaa laga yaabaa inuu muteysto xukun xabsi ah ugu yaraan saddex sano iyo bar ah, hadii lagu heli fal dambiyeedka.

Qaar ka mid ah Ardayda ayaa sheegay inaysan Macallimadda wax iska caabin ah samaynin markii uu Ridwaan feerayey.

Hooyada dhashay wiilkan ayaa u sheegtay Maamulka Dugsiga iyo ciidanka Booliska in marar badan ay isku dayday in wiilkeeda inay maslaxeyso, kadib markii uu ka xanaaqay erayga ay macalimadiisa kula kaftantay, balse uusan dulqaan sameyn.

Warbaahinta Mareykanka ayaa si aad ah wax uga qorayay dhacdadan oo aheyd mida ugu hadal heynta badneyd maalmihii la soo dhaafay. Arrintu sida ay ku dhamaato waa la arki-doonaa.

,

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment