3756 Views

IGAD oo ciidan u tababareyso maamulka Balkool Sare

IGAD oo ciidan u tababareyso maamulka Balkool Sare
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 30 December 2015: Sida wararka ay sheegayaan, ergooyinkii dhisay maamul goboleedka Bakool Sare ayaa sidoo kale shaaciyay firkir kooda ku aadan qaabka doorasho ee dalka la rabo inay ka dhacdo 2016.

Ergaddaan waxay si aqlabiyad ah u taageertay in doorashada 2016 lagu saleeyo qaab degmo, ayagoo sheegay in nidaamka 4.5 uusan ahayn mid xalaal ah, mid Soomaaliyeed iyo mid Islaam-nimo midna.

Sida ay noo sheegeen siyaasiyiin ku sugan xarunta maamulka Bakool Sare ee magaalada Ceelbarde, fikirka maamulka ayaa laga bilaabo arbacada loo gudbinayaa xafiisyada, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Afhayeenka Baarlamaanka, Arimaha Gudaha, Kan Federaalka iyo waliba Xafiisyada Qaramada midoobay, IGAD, EU iyo safaaradda Maraykanka, si bay yiraahdeen loogu biiriyo ra’yi uruurintii shacabka Soomaaliyeed.

Dhinka kale, waxuu maamulku bilaabay inuu xareeyo ciidamo gaaraya 1500, kaasi oo ay u tababarayso dawlad goboleedka IGAD, ayagoo sidoo kalana dhagax dhigay xarunta madaxtooyada ee maamulku rasmi ahaan ugu shaqayn doono ayagoo haatan sii isticmaalaya dhismeyaal ku meel gaar ah.

Dadka qaar ayaa arinta ku saabsan tababarida ciidaman ee ka dambeeyso IGAD u arko in ay tahay qas iyo fitno Itoobiyo wadato isla markaana uu ka dambeeyo nin la yiraahdo Xalane oo ahan jiray Wasiirka Maaliyada ee DF ah.

 

 

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment