4281 Views

Sharciga doorashooyinka oo an wali la ansixin

Sharciga doorashooyinka oo an wali la ansixin
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 30 December 2015: In kasta oo muddo 8-bilood ka harsan tahay xilliga la filayo in Soomaaliya doorashooyin ka dhacaan, ayaa waxaa soo baxaya in aan wali la heyn sharcigii doorashooyinka, kaasoo qeexaya qaabka loo marayo doorashada 2016.

Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa sheegtay in sharcigii doorashooyinka aanan wali la ansixin, isla markaana aysan garaneyn, sababta dib loogu dhigayo.

“Sharcigii doorashooyinka wali ma heyno, ma garan karno sababta gadaal loogu dhigayo oo aanan loo soo hormarin, maadaama ahmiyad uu u leeyahay dalka, xilliga doorashada dhaceyso waqti badan kama harin”ayay tiri Xaliimo Ismaaciil oo la hadlayay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Waxaa ay ka codsaday Baarlamaanka in arrintan ay si deg deg ah u meel mariyaan, iyadoo tilmaamtay in shaqadooda loo dhiibay Guddiyo aan dastuuri aheyn.

Xaliimo Yarey ayaa ku baaqday in la dhowro dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalo, isla markaana la siiyo guddigooda doorkiisa, sidoo kalena la baabi’iyo guddiyada aan dastuuriga aheyn.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka jawaabayay hadalka Xaliimo Yarey ayaa sheegay in Golaha Wasiiradda aysan wali soo gudbin sharciga, balse uu dareemayo ahmiyada uu sharcigan u leeyahay dalka.

Jawaari waxa uu tilmaamay in sharciga Doorashooyinka uu yahay mid loo baahnaa in la soo dedejiyo si loogu dabaqo doorashada dalka ka dhaceyso oo wax yar ay ka dhiman yihiin.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in dalka aysan ka dhici karin doorasho hal cod iyo hal qof, iyadoo la sameeyay madal wada tashi ay ku mideysan yihiin Madaxda dowladda, madaxda maamul goboleedyada, wasiirada, baarlamaanka iyo ururada bulshada rayidka, kuwaasoo go’aan ka gaaraya nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta 2016.

Intaa waxaa dheer in Dowladu ay u haqal taageeyso in loo kordhiyo mudada oo la loogu daro Laba Sano oo hada dhiman!!

 

 

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment