5190 Views

Shariif Xasan oo digniin kama danbeys ah siiyay C/wali Gaas

Shariif Xasan oo digniin kama danbeys ah siiyay C/wali Gaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 30 December 2015: War Saxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirada Koofur Galbeed ayaa digniin iyo jawaab lagu siiyay maamulka Puntland, War qoraaleedka ayaa u qornaa sida hoos ku xusan.

Hoos ka Akhriso

Golaha wasiirada Golaha Wasiiradda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo shir yeeshay shalay, shirkaasoo uu guddoominayay Madaxweynaha Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa looga hadlay xaalada maamulka.

Qodobada looga hadlay Shirka waxaa kamid ahaa: Amniga Deegaanada Koonfur Galbeed iyo Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2016.

Waxaa sidoo kale Goluhu isla soo qaaday jawaabtii laga bixin lahaa hadalkii ka soo yeerey maamulka Cabdiweli Gaas ee uu ku taageerey dad qaswadayaal ah oo uu soo dirsaday iney qas iyo xasilooni daro ka abuuraan magaalada Ceelberde ee gobolka Bakool.

Maamulka Cabdiweli Gaas kadib markuu ogaaday in Qorshahiisa sedbursiga ku dhisan aanu ka gadmeynin Bulshada Soomaliyeed ayuu rabaa inuu abuuro qas. Gabagadii waxuu Golahu ka soo saaray Warmurtiyeed ay kaga jawaab celinayaan falalka guracan ee uu wado Maamulka Qabyaaaladda ku dhisan oo uu hoggaaminayo Cabdiweli
Maxamed Cali Gaas.

Waxaaan ugu baaqaynaa:

Inuu ka waantoobo maamulka Cabdiweli Gaas hurinta colaadaha sokeeye iyo kala geynta Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka wado deegaanada deriska la ah iyo isku daygiisa inuu u soo raro colaadahaas qabyaaladeysan dhulka Dowlad
Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaan xasuusineynaa Maamulka Cabdiweli Gaas in uu ilaaliyo nidaamka dowliga ah, waxaana u sheegeyna in dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed diyaar u tahay in ay ilaaliso midnimada iyo wadajirka shacabka Koonfur Galbeed.

Waxaan u soo jeedinaynaa Shacabka koonfur Galbeed in ay ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda kana digtoonaadaan wixii u keeni kara kala qaybsanaan iyo tafaraaruq.

 

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment