5364 Views

Axmed Madoobe oo si gaar ah ula heshiiyay Itoobiya

Axmed Madoobe oo si gaar ah ula heshiiyay Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31 December 2015: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo oo shaley tagay magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta la kulmey Dr.Tedhros Adhonom oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dowlada federaalka ah ee Itoobiya.

Kulankan waxaa madaxweynaha ku weliyay, wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga ee Jubbaland mudane Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) iyo lataliyaha madaxweynaha ee dhanka siyaasadda mudane Cabdi Cali Raage.

Kulankan oo arrimo badan lagaga wada Hadley, sida arrimaha Siyaasadda , Amniga iyo Xiriirka ka dhaxeyn-doona Jubbaland iyo Itoobiya.

m Sida la sheegay ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa oo ay ugu horreyso  in dhawaan ciidamo kasocda dowladda itoobiya ay soo gaaraan magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka soomaaliyeed ee Jubaland si ay uga qeybqaataan dib uxoreynta deegaanada Jubbaland.

Waxan weli la ogeeyn waxa ay qabto Dowlada Federalka ah, dhadeeysiga iyo xod-xodashada gaar ah ee ay wadaan madaxda Gobollada, ayaga oo marna Itoobiya u dheelmanayo, marna la qadeeynayo madaxda Kenya.

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment