4326 Views

Baarlamaanka oo maanta u yeeray Wasiirka Maaliyadda

Baarlamaanka oo maanta u yeeray Wasiirka Maaliyadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31 December 2015: Wasiirka Maaliyadda D F, Maxamed Ibraahim Fargeeti, ayaa looga yeerahay  Baarlamaanka Federaalka, si wax looga weydiiyo Miisaaniyada sanadka 2016 oo ah ajendaha hor yaal Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa Su’aalo ka waydiin doono Wasiirka Sida loo maareeyay Dhaqaalaha 2015-ka, gaar ahaan Daqliga Gudaha kasoo galay Dowladda Somalia sida Lacagta kasoo xarootay Dekedda & Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Miisaniyadda sanadka 2016 ayuu Wasiirka faah faahin ka bixin doonaa qarashaadka dowladda ku bixi doona, gaar ahaan Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qeybaha kale.

Sidoo kale waxaa Wasiirka wax laga weydiinayaa dhaqaalaha dowladda soo gala Garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan shirkado laga leeyahay Turkiga.

Sida an la soconno Hanti dhowrka Guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa maalmo ka hor ka hor-sheegay Baarlamaanka in Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak oo gacanta ku haya Garoonka iyo Dekeda ay diideen in lala xisaabtamo.

Dekeda iyo Garoonka ayaa ah labada il ee ugu weyn dhaqaalaha ka soo xarooda, lamana oga bil walba inta uu la eg yahay dhaqaalahaas, inkastoo sanadkii hore Shirkada Al-Bayrak ay soo bandhigtay dhaqaalaha ka soo xarooday bishii November sanadkii 2014 oo gaarayay illaa hal milyan oo dollar, balse wixi waqtiga ka dambeeyay wax xisaab celin ah lagama hayo.

 

 

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment