7320 Views

Booliska oo soo qabtay hub lagu qariyay Masaajid Muqdisho ku yaal.

Booliska oo soo qabtay hub lagu qariyay Masaajid Muqdisho ku yaal.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31 December 2015: Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa baaritaano ay ka sameeyeen masaajid ku yaal degmada Hodan ayeey ka soo heleen hub iyo lacag lagu qariyay gudaha Masjidka.

Waxaa la ogaaday in howl galkan uu ka dambeeyay markii ciidamada booliska ay heleen xog ku aadan in hub lagu qariyay Masjid ku yaala xaafada Hodan.

Hubkan ayaa isugu jiray rasaasta gantaalada lidka diyaaradaha iyo kuwa garbaha laga tuuro, sidoo kale waxaa wehliyay lacag doollar ah oo illaa saddex kun gaareysay.

Wasiirka Amniga oo tagay goobta howl galka ka socday ee Masjidka, ayaa ku ammaanay ciidamada booliska sidii hubkan wax lagu gumaada ay gacanta ugu dhigeen, iyagoo macluumaad ka heystay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono hubkaas cida laheyd iyo meesha uu ka yimid.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in hubkan la doonayay in loo isticmaalo in lagu qal qal geliyo ammaanka magaalada Muqdisho.

DSC00047DSC00089DSC00126-2DSC00075

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment