4380 Views

Dahir Amiin Jeesow “wuu fashilmay gudiga doorashooyinka Qaranka “

Dahir Amiin Jeesow “wuu fashilmay gudiga doorashooyinka Qaranka “
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31 December 2015: G/ ku xigeenka Gudiga Arrimaha Gudaha & federaalka ee Baarlamaanka Somalia Dahir Amiin Jeesow, ayaa aad u dhaliilay Waxqabadka Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Gudiga Howshiisa ay ku socoto qaab gaabis ah, oo aan u suurta gelin karin dalka inay Doorasho ka dhacdo marka la gaaro Bisha Agoosto ee 2016-ka. “Howshii uu qaban lahaa Gudiga Dad kale ayaa qabanaya, oo doonaya inay isku soo sharaxaan Doorashada 2016-ka, Gudiga Xubnihiisuna gacmaha ayay isk dulsaarteen oo indhaha ayay ka eegayaan afduubka lagu sameeyay Waajibaadkooda,” ayuu yiri Jeesow.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa waxa uu imaanaya xilli maalain ka hor ay Xaliimo Yarey oo ah Gudoomiyaha Gudiga ay sheegtay in Howsha Gudigeeda loo xilsaaray uu Wasiirka Arrimaha Gudaha faragelin joogta ah ku hayo saga oo doonayo in uu a qabto howshi loo dhiibay Xaliima Yarey.

 

 

 

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment