4974 Views

Xarunta Xasaradaha ( Gaalkacyo ) – Qaybtii – 2aad

____________________________________________________________________________

Beelaha geelleyda, maxaad ka taqaan beelaha geelleyda ?

Beelaha geelleyda ( beelaha hubeysan) waa:- Hawiye, Daarood, Isaaq, Dir, Digil & Mirifle.

Beelahan meesha ay ka soo jeedaan waa la isku haystaa,oo waxaa jira taariikho ay dadka iska sheegaan, badankoodna ay kutiri-kuteen yihiin,waxaase marqaati-madoon ah, in raggan Hawiye, Daarood, Isaaq, Dir, Digil & Mirifle, ay yihiin walaalo wadaaga dhiig iyo dhaqan aad iyo aad u facweyn oo ma guuraan ah, ta labaad beelahan tiradooda farqi aad uweyn uma dhaxeeyo,taa waxa ay ku tusineysaa in ay yihiin dad faracoodii hore meel ka soo wada jeeda, ayna suura gal aheeyn in la yiraahdo qaar waa Carab, oo waxa ay yimaadeen gayiga Somaaliya shalay, qaarna waa Afrikaan oo waligood ayay daganaayeen Somaaliya, ta sadaxaad Luqadda waxa ay ugu horeeysaa waxyaabaha umadda kala saara, beelahan waxa ay ku hadlaan hal luqad oo Af-Somaali layiraahdo, hadii ay yihiin dadyoow meela kala duwan ka kala yimid,maxaa loo waayay qabiillo luqado kale ku hadlaaya, muxuusa Af-Soomaliga oo ah Luqad aad iyo aad u facweyn u badalmi-waayay, cadaymahaan iyo kuwa kale oo aad u badan waxa ay cadaynayaan, in beelahan ay yihiin ul iyo diirkeed, kii diidana daliil laga rabo.

Ka qoraa ahaan waxaan fadilayaa ,oo aan ku raacay taariikhyahannada qaba  in beelahan ka soo jeedaan dadka loo yaqaano Ximaatigga oo asalkii hore dagi jiray cirifka waqooyi galbeed ee qaarada Aasiya, qarniyo ka dib tarankii dadka oo batay awgeed,wuxuu sababay is riix -riix qaar la bara kiciyay.

Qolooyinkii la kaalin riixay si ay u helaan degmo cosob ah,safar rug doorsi awgii,qiyaastii dhowr iyo toban kun oo sano ka hor, dhulka buuraleeyda (kowkaasiya) ee ku yaal inta u dhaxeeysa Badda Madoow iyo Badda Kasbiyaan waxaa ka soo hayaamay dad tiro badan oo Ximaatig ah, wajigii koobaad ee geedigoodii waxa ay ku hakadeen waqooyiga Afrika, gaar ahaan dalka Masar, halkaas oo ilaa maanta ay ku noolyihiin.

Wajigii labaad waxa ay dageen buuraleyda Itoobiya, dabadeedna waxa ay isku faafiyeen waqooyi bari Afrika.

Dadka Ximaatiga waxa ay dhulka geeska Africa ka barakacsadeen, oo jahada koonfur galbeed u riixeen,dad la oran jiray Sinji , oo waayihii danbe loo maleeynaayo in ay isu badaleen dadka loo yaqaano maanta Baantuuga, oo waagaas deegaankoodu ahaa dhulka la jeeda Badda Cas ilaa xagasha Raas – casayr.

 Beelaha geelleyda ( beelaha hubeysan) ee ugu badan dadka Somaalida,waa sidaas xaalkooda, waxa ayna dhalasho iyo dhaqanba la wadaagaan dadyoowga ku abtirsada Ximaatigga sida:-

Oromo,Cafar,Beeja,Sidaamo iwm,dadyoowgaan oo deegaankoodu maanta uu ku teedsan yahay, laga soo bilaabo Kenya,Jabuuti,Itoobiya,Eratariya,ilaa Suudaan.

Beelaha geelleyda ( beelaha hubeysan) marka ay imaanaayeen geeska Afrika, waxa ay wateen Lo,iyo Ari, qiyaastii labo kun oo sano ka hor, ayuu geela uga yimid dhanka Carabta,dabadeed markii ay arkeen in geelu yahay xayawaan aad u adkeeysi badan misana ku fiican ku dhaqashada dhulka oomanaha ah, ayeey Lo’leeydii iyo Ari’leeydii badankood geelley noqdeen.

 

Gabay: Asalka dadka, hiddaha iyo dhaqan-kooda– (Cabdulqaadir Xirsi Yam-yam) baydadkiisa waxaa ka mid ah:-

Dadka waw gu’weynahay

 

Guun soo jiraan ahay

 

Nuux iyo gadaashii

 

Duufaan ka guurkii

 

Baddii jiidhay gabiyada

 

Dhulkii giigsanaan jiray

 

Meeshuu ku kala go,ay

 

Gardafey ha noqotee

 

Weli goobti baan naal

 

Caddaankiyo guduudkaba

 

Waan kala gurracannahay

 

Muuqaalka guud iyo

 

Dhaqamada is geli kara

 

Canfartaan gudboonahay

 

Isku gibilna waan nahay

 

Oramada iyo gaallaha

 

Ayaan gacalwadaagnaa

 

Mahad aan go’ayn iyo

 

Gallad eebahaa lehe

 

Giddigood Rasuulladii uu geyiga usoo diray

 

Ninba diin u gooniya

 

Hala gola yimaadee

 

Isu soo gurkoodii

 

Tii geba-gebaysiyo

 

Gundhiggii kitaabbada

 

Markii la isu geeyiyo

 

Guddoonshihii Ambiyad iyo

 

Waxaan haysanaa gacan

 

Geesigay ku taallaa….

AKHRI – Qaybtii 1aad

La soco qaybta 3aad ee maqaalka.

QORE: Macalin Mukhtaar Sh. Cabdiraxmaan ( Macalin Dugsi)

E-mail: Macalindugsi00@gmail.com

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment