3450 Views

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la geeyay magaalada Kismaayo ee Jubadda Hoose

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la geeyay magaalada Kismaayo ee Jubadda Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 02 Jenuary 2016: Ciidaman aad u frabadan ee ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa la geeyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose, kuwaasoo bedel u ah Ciidamadii Seirra Leone oo horaantii sanadkan ka baxay Soomaaliya, ka dib marku uu Ebola ka dilaacay wadankooda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubba ayaa xaqiijiyay in Ciidamadan Itoobiyaanka oo gaarayay illaa 250 askari ay horu dhac u yihiin illaa kun askari.

Ciidamadan ayaa la dejiyay Garoonka diyaaradaha Kismaayo, Dekeda iyo duleedka waqooyi ee magaalada oo fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Markab gaadiid ciidan iyo qalab milateri u sida Ciidamada Itoobiyaanka ee shalay gaaray Kismaayo ayaa ku soo xirtay Dekeda.

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay kala qeyb qaadan doonaan Ciidamada Kenya iyo Ciidamada Jubbaland guluf dagaal oo qorshihiisa yahay in Al-Shabaab looga saaro deegaanada Jilib, Jamaame, Xagar iyo Bu’aale.

Axmed Madoobe ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, ka dibna ay ku heshiiyeen in Cidan dowlada Itoobiya leedahay la geeyo Kismaayo ayada oo an laga tix-gelin Dowlada Federalka ee Soomaaliya.

Maamulka Jubba ayaa horay ugu ololeynayay in Ciidamada Itoobiya lagu bedelo ciidankii Sierra Leone ee ka baxay Kismaayo, inkastoo Siyaasiyiin Soomaali ah ay saluugsanaayeen, balse codkooda aysan kor u qaadin.

Ciidamada Itoobiya ayaa hada u muuqda kuwa ugu badan ee ku sugan Soomaaliya, marka laga reebo Ciidamada Uganda, waxaana horay Saraakiil ka tirsan AMISOM ay sheegeen inay jiraan Ciidamo aan ka tirsaneyn howl galka AMISOM ay ku sugan yihiin gobolada dalka.

Sida ay arinta ku socoto, dadka qaar ayaa sheegayaa in Itoobiya ay dooneeyso in ay qabsato Soomaaliya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment