3777 Views

Faah faahin ka soo baxaysa dagaalo ka dhacay duleedka Beledweyn

____________________________________________________________________________

Beledweyn-Hiiraan-195x110

Muqdisho, 03 Jenuary 2016: Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo dad badan ay ku dhinteen oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan duleedka magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalada u dhaxeeyay labo beelood oo horay heshiis u kala qaatay.

Dagaalkaan oo labo maalmood xiriir ah socday, ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-ruux oo labada dhinac ahaa, waxaana ku barakacay qoysas fara badan oo an dagaalka wax ku lahayn.

Waxaa la sheegaya in dagaaladan ay ka dhaceen deegaanka Buq-goosaar iyo tuulooyin ku dhow dhow, waxaana dagaaladan salka ku hayaan dhinac ka mid ah maleeshiyo beeleedyada oo sheeganaya maamul gaar ah, taasoo ay ka biya diidan yihiin kuwa dinaca kale ka soo jeeda.

Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay labada beelood inay jebiyeen heshiiskii xabad joojinta, waxayna odayaasha ugu baaqeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM inay kala dhex galaan maleeshiyooyinka ku dagaalamaya Galbeedka Gobolka Hiiraan.

Dagaaladii u dambeeya ee ka dhacay deegaanka Buq-goosaar ayaa daba socda dagaaladii bishii la soo dhaafay ka dhacay Xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyn, inkastoo markii dambe Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay heshiis xabad joojin kala dhex dhigeen.

Dagaaladan ayaa ku soo beegmaya, xilli dhowaan la filayo in magaalada Jowhar uu ka furmo shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wax kasta oo dhibaata ah ee ka dhaco, waxaa loo eebsanayaa Habka Federalka iyo Dowlada Soomaaliya oo ayadu dadka ku qasbeysa in la qaato Federalka. Fikrada ah in laga horyimaado Gobolaysiga, ayaa dad badan waxa ay qabaan in Wadanka laga dhaafo Federalka hada la wado.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment