3435 Views

Halyeeyga sanadkii tegay waxaan u aqoonsanay askariga Soomaaliyeed”

____________________________________________________________________________

Wasiir-Maareeye

Muqdisho, 03 Jenuary 2016: Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in daraasad ay sameysay Wasaaradda Warfaafinta lagu ogaaday in askariga uu yahay halyeeyga sanadkii tegay, maadaama ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay har iyo habeenba u taaganyihiin difaaca Qaranimada Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa xusay in daraasaddu ay sameysay Wasaaradda Warfaafinta uu u horgeyn doono golaha Wasiirada, si abaal marin loo guddoonsiiyo ciidamada qalabka sida meelkasta oo ay joogaan, maadaama ay u taaganyihiin gudashada waajibaadkii loo idmaday, ayna tahay mid wanaagsan in la abaarmariyo.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa Wasaaradda Warfaafinta uga mahadceliyay daraasadda ay sameysay ee ku aadan in halyeeyga sanadkii tegay loo aqoonsado askariga Soomaaliyeed, waxaana uu arrintaasi ku tilmaamay mid dhiiri gelineysa ciidamada naftooda u huray in cadowga ay ka difaacaan shacabka.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment